Fariimo Jacayl Oo Qalbi Qaboojis Ah, Qalbiga Ugu Daji Qofka Aad Jeceshahay.

Ma u baahantahay Fariin aad ku soo jiidato qofka aad jeceshahay, gacaliyahaaga, gacalisadaada, Xaaskaaga ama Odaygaaga.

Ma jirto wax ka fiican in aad jacaylkaaga u mujiso gaar ahaan mar walba oo aad fursad u hesho.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa fariimo cajiib ah oo kaa caawin kara arintaas.

  • Waan Jecelahay Noloshayda Sababta oo ah Adiga Ayaan Ku Siiyay, Waan Ku Jecelahay Sababta oo ah waxa aad tahay Noloshayda.
  • Waxa la sheegaa in uu Jacaylku dadka dhaawaco laakiin waxa aan diyaar u ahay in aan khatartaas qaato hadii aan adiga kula wadaagayo Nolsoha.
  • Waxa aan rajeeyay in aan helo Xiddig habeen, waxa aan rajeeyay in aan helo saaxiib aan jeclaado inta ka dhiman noloshayda, maalmo ayaa i dhaafay waxana aan ugu dambayn ogaaday in ay rajadaydii Run noqotay sababta oo ah adiga ayaan ku helay.
  • Waxa aan jecelahay in aan ku arko adiga oo faraxsan, Abaalmarintayda ugu weyna waa in aan arko adiga oo dhoolacadaynaya.
  • Hadii aan dookh haysto waxa aan dooran lahaa qof i jecel in ka badan inta aan jecelahay.
  • Waxa aan fuuli lahaa Kumanaan Buur si aan u arko adiga oo faraxsan.
  • Waxa la sheegaa in uu qofku hal mar wax jeclaado laakiin arintaas run ma ahan sababta oo ah mar walba oo aan ku arko dib ayaan kuu jeclaadaan.
  • In aad kula wadaago jacayl waa sharaftayda.
  • In aan kuu sharaxo sida aan kuu jecelahay waa adiga oo isku daya in aad sharaxdo sida ay Biyuhu dha-dhamaan.
  • Ma jiraan kalmado aan ku sharixi karo sida aad u tahay qof fiican, waan ku jecelahay.
  • Mararka qaar waxa aan is waydiiyaa in uu Jacaylku u qalmo in loo dagaalamo laakiin marka aan wajigaaga arko waxa aan diyaar u ahay dagaal.
  • Marka aan indhaha xidho waxa aan ku arkaa adiga, marka aan indhaha furo waxa aan ku arkaa adiga, mana jirto wax aan samayn karo aniga oo aan kaa fikirin.
  • Qalbigaygu marna jabi maayo, farxadaydu marna tagi mayso, jacaylka aan kuu qabo marna dhamaan maayo, waan ku jecelahay.
  • Waxa aan ku jecelahay in ka badan wax ay kalmaduhu qeexi karaan.
  • Ma jirto qof ii jecel sida aad ii jeceshahay, ma jirto qofka i dareensiiya sida aad adigu i dareensiiso, waxa aan kuu jecelahay sida noloshayda oo kale.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*