Kalmado Calaacal Ah Oo Qalbiga Ku Xanuujinaya.

Waxa dhici karta in aad waydo Gabadh aad jeceshahay taas oo kugu diiday in ay kula qaado jacaylka taas oo keenaysa in ay dhaawacdo qalbigaaga.

Hadaba waxa aan Halkan Ku soo bandhigi doona Kalmado calaacal ah oo aad u diri karto gabadh ku diiday.

1:Fiicnaan laheydee inaan indhaha isku qabto oo

aan iska ilaabo waxwalbo oo agagaarkeyga ah oo

ayada aay ugu horeeyso!laakin waa mid aanan

suurtogal aheyn,waayo waxeey ku dhex nooshahay

wadnaheyga,waxeey maamushaa unugyada

dhiigeyga,maskaxdeydana ayada ayey ka

amarqaataan.

2:Qiyaanadu waa jugta ugu culus ee qalbiga bini

aadamka ku dhacda.waxaaney ugu daran tahay

marka ay kaa soo gaarto shaqsi aadan ka fileyn

marnaba,hadana og baahidaada.

3:Kama fileyn ineey ku dhaqaaqi karto talaabo

heerkaas gaarsiisan,anigaa isbiday xanuunka iyo

welbahaarka caashaqa,waxaan u heystay ineey ii

jeceshahay in la eg intaan caawa la taahayo,inkasto

o leyga digay in dhaawacyo lama filaan ah iiga

imaan karaan kalsoonida badan ee aan u hibeeyey

si indho la’aan ah.

4:Ima eeysan jecleyn marnaba,anigaa aaminay

hawo been ah,cakuye nasiibdaradeyda waxaan

ogaaday waqti xeero iyo fandhaal kala dhaceen.

5:Maxaan ku dabiibaa wadnaheyga dhiigbaxaya?

Sideense ku samirsiiyaa naftaa jiifka iyo soo

jeedkaba aan iga ongaleyn.? Cakuye maxaan ka

faa’iiday qoomameynta. waqtigii xiisaha lahaa ee

fariimaha caashaqa isu gudbintooda ay

macaaneyd.

6:Qalbi dhaawacan maxaa u dawo ah? Ma jiraa

xarun caafimaad oo aan gargaar degdeg ah ka heli

karo. sidey ila tahay xalka ugu wanaagsan ee

marxaladaan xasaasiga aan uga bixi karo waa

inaan iska iloobaa,ka fogaada meelaha aay ka dhaw

dahay,islamarkaana aan maskaxda ka tirtiraa

waxyaabaha isoo xusuusin kara, si kastoo isku

dhiirigeliyo oo aan u matalo inaan ahay qof adadag

markaan horteeda jooga waxaa iga tan badan

baahida kalgacal,mana ku dhiiran karo go’aano

ayada ka dhan ah inaan gaaro,waayo waxwalboo

aan ka tirsanaayo hadana waan jeclahay,Jaceyl

keeda waa mid aniga iga tan weyn oo aanan si

sahlan maskaxda uga saari karin.

7:Mararka qaar qofka waxaa loo qoray inuu

guuleysto ama uu qasaaro,aniga waan ku

fashilmay xanaanadeeda iyo ineey nolasheyda u

hibeeyo jaceyl saafi ah oo ka madax banaan

lugooyo,been iyo xiiso.

8:Waa inaan ku noolaado rajada ah inaanan helin

jaceylkeeda,islamarkaana ay noo kala dhamaatay.

Waxaase xaqiiqdu tahay inaan awoodin intaas oo

idil,intaan jacelahay in la eg ayaan xumaan u

qaaday,waxaan rabaa inaan ka calool goosto,laakin

waxaa iga tan badan sida aan ugu nugulahay oo

aan xageeda uga ahay qof jilcan oo aanan ka

maarmin,

9:Fiicnaan laheydee ineey iisoo laabato,iga daltato

cafis. Anigoo aanan ka fekerin ayaan qalbi furan ku

soo dhaweyn lahaa,iskana iloobi lahaa dhamaan

xaalada qalqalka ah ee aan hada ku jiro. waxaan

habaaraa saacadii aan la kulmay ayada,ee aan

gacanta u geliyey qalbigeyga.

10: Waan ogahay inaanan maskaxdeyda ka saari

karin…laakin waa inaan olol aan loo kala harin ku

qaadaa adiga iyo xusuustaada iyo waxkasta oo

kugu taxaluqa,si aan uga gudbo mixnada qoorta

iigu jirta

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*