Ma Doonaysaa In Aad Ogaato In Uu Ku Jecelyahay Ama Ku Jeceshahay? 9-kan Su’aal Ayaa Kaaga Filan Oo Aad Waydiin Kartaa.

Jaceylka dhabta ah waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fiican uguna quruxda badan dunida sidaa darteedna, inaad ogaato haddii lammaanahaagu uu aad kuu jecel yahay waxaa jira su’aalo qaarkood oo ay tahay inaad had iyo jeer waydiiso.

Hadaba Hadii aad doonayso in aad ogaato in gacaliyahaagu/Gacalisadaadu jacayl dhab ah kuu qabo waydii 9-ka su’aal ee hoos ku xusan.

1.Waxa aad waydiin kartaa Isaga ama Iyada hadii ay si dhab ah u aaminsanyihiin jacaylka kadib waxa aad ka wada hadli kartaan arintaas idinka oo wada jira.

2.Waxa aad waydiin kartaa in ay Rumaysantahay/Rumaysan yahay jacaylka aragtida 1-aad ah kadib ka wada sheekaysta qaabkii aad labadiinu u kulanteen iskuna jeclaateen.

3.Waydii waxa kugu soo jiita ee ay kugu jeclaatay ama uu kugu jeclaaday adiga.

4.Waydii inta ay qof ku qaadato in uu xaqiiqsado in uu jacayl hayo iyo sida ay xaaladaadu ula xidhiidho.

5.Hadii ay dhacdo in midkiin khiyaamo u gaystay midka kale kale maxaad samayn kartaan.

6.Adiga ama iyadu diyaar ma u yahay in uu cafiyo midka kale hadii la ogaado in uu khiyaamo sameeyay.

7.Waydii iyada ama isaga sida aad xidhiidhkiina uga dhigi kartiin mid caafimaad qabta oo muddo dheer socota.

8.Waydii shalayntii ugu weynayd ee ay soo mareen noloshooda.

9.Waydii Macnaha jacaylka iyada dhankooda iyo waxa uu ula dhiganyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*