Maku Dhibaatoonaysaa In Aad Xidhiidh Jacayl Samayso, Ma Laadahay Qof Aad Nolosha La Wadaagto, 6-dan Caado Ayaa Sabab U Ah, Ka Fogow.

Ma ku dhibaatoonaysaa in aad xidhiidh la samayso hadii aad tahay Wiil ama hadii aad tahay gabadh, makugu adagtahay in aad la hadasho gabadh hadii aad tahay wiil ama makugu adagtahay in aad la hadasho wiil hadii aad tahay Gabadh.

Waa arin iska caadi ah in aad ku dhibaatooto in aad samayso xidhiidh jacayl oo aad kali ku noolaato waliba qoyskaaga ama Asxaabtaadu kugu qasbayso in aad xidhiidh samayso si aad u hesho qof aad nolosha la wadaagto.

Hadaba maxaa sabab u ah in aad ku dhibaatooto in aad samayso xidhiidh.

Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa  kuwaas oo sabab u ah in aad ku dhibaatooto helista qof aad xidhiidh la samayso jacayl ama mid guur ah.

1.Cabsida Talaabada Ugu Horaysa:

Waa arin dhacda in Wiilka ama Gabadhu ay si weyn uga casbadaan qaadista talaabada ugu horaysa marka ay doonayaan in ay xidhiidh sameeyaan waana arinta keenaysa in aad ku dhibaatooto helista qof aad xidhiidh la samayso hadii aad ka cabsato qaadista talaabada ugu horaysa.

2.In Aad Is Adkaynayso:

Waa dhibaatada ugu weyn! Ragga ama dumarka qaar ayaa aaminsan hadii aad is adkayso waliba aanad si dhib yar xidhiidh ula samayn qofku marka uu kuu soo bandhigo in aad helaysid qof fiican oo kugu haboon, marka dhinac loo eego waa sax arintaas maadama qofka sida dhabta ah kuu doonaya in uuna kaa quusanayn marka aad ugu horayn jawaab siin waydo laakiin sidoo kale waxa meesha ku jirta suurtagalnimada ah in aad qofkaas waydo marka aad iska khasaarisid fursada ugu horaysa maadaama uuna wakhti badan u hayn in uu muddo dheer ku daba socdo taasna waxa ay keeni kartaa in aad heli waydo qof aad xidhiidh la samaysid taas oo keenaysa in aad kali noqotid.

3.Raadinta Jacayl Dhamaystiran:

Waxa inta badan dhalin yarada Somalida ku dhacda in ay daawadaan Filimaan badan kuwaas oo jacayl ah waliba cajiib ah waxana ay bilaabayaan in ay raadiyaan jacayl dhamaystiran ama qof dhaamystiran oo ay xidhiidh la sameeyaan sida Filim-kii ay daawadeen taas oo keenta in ay ku dhibaatoodaan samaynta xidhiidh fiican.

4.Kalsooni la’aanta Muuqaalka iyo Amni daro:

Waa arin ku dhacday dad badan oo dhalin yaro wiilal iyo gabdhaba leh waana mid keenta in ay heli waayaan xidhiidh waxana sabab u ah in uuna qofka wiil ama gabadh kuu doono ha noqdee ku kalsoonaan waayo muuqaalkiisa ama sida uu illahay u sameeyay waliba ka cabsado in lagu diido sida uu u samaysan yahay waana arin kalsooni daro ah taasna waxa ay door weyn ka qaadataa in aanu qofku wax xidhiidh ah samayn.

5.Beenta:

Diin ahaan maadama aan Dad muslim ah nahay Beentu waa xaaraan laakiin dad badan ayaa caado ka dhigtay sidaas darteed Beenta badan ayaa keenta in uuna qofku heli xidhiidh jacayl ama lamaane oo nolosha ah.

6.Baajinta Balanta:

Waa arin ku badan Somalida waana in marka wiilka ama Gabadhu qof xidhiidh la sameeyaan waliba wakhti ku balamaan in ay kulmaan ay dib u dhigaan kulanka ama gabi ahaan joojiyaan waana arin door weyn ka qaadata in uuna qofku helin xidhiidh uu la sameeyo qof kale.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*