Qaabka Aad U Xoojin Kartiin Jacaylkiina, Tallo Muhiim Ah

Jacaylku Waa dareen qurux badan oo ka farxiya qofka meel kasta oo uu tago waana mid leh xidhiidh qoto dheer oo u dhexeeya labada qof ee uu ka dhexeeyo daeenka jacaylku.

Jacaylku waa dareen Raxmad leh oo uu Illahay abuuray waana mid ka dhexeeya dadka is jecel waana mid xoojiya xidhiidhka labada qf kana farxiya qofka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa talo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta jacaylka.

1.Xidhiidh Wanaagsan:

Qodobkan ayaa muhiim u ah xidhiidh walba oo jacayl ah si uu u guulaysto in ay labada qof ee is jecel is fahmaan waliba si fiican u xidhiidhaan waxa ay laf dhabar u tahay guusha xidhiidh walba oo jacayl ah.

2.Ixtiraam Is Dhaafsi ah:

Qof walba waa in uu Ixtiraamo qofka uu jecelyahay waana arin muhiim u ah jiritaanka jacaylka waxana in aad raali galin bixiso marka aad khalad ka gasho qofka aad jeceshahay waxana ay arintaas xoojinaysaa jacaylka ka dhexeeya labada qof.

3.Wadaagista Kalgacalka & Jacaylka:

Waxa xoojinta jacaylka ka qayb qaata wadagista wakhtifa fiican iyo farxada ee labada qof ee is jecel sidaas darteed isku daya in aad wadaagtaan Kalgacalka iyo farxada si uu jacaylkiinu u noqdo mid awood badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*