Ragga Mise Dumarka? Midkee Daacad U Noqdo Jacaylka, Warbixin Cajiib Ah.

Jacaylka ayaa ah dareen fiican oo uu Illahay isku galiyo laba qof oo lab iyo Dheddig ah kuwaas oo wadaaga dareen kalgacal iyo muxubo leh.

Hadaba waxa mar walba la is waydiiyaa Ragga iyo Dumarka midkee daacad u ah jacaylka?

Ragga Mise Dumarka? midee daacad u ah jacaylka.

Waxa jirta beeno badan oo ku saabsan daacadnimada jacaylka ee Ragga iyo Dumarka iyo khaldaad waaweyn oo aan run ahayn oo sheegaya in gaabdhu ka daacad yartahay jacaylka ninka waana sheegasho yar oo aan xaqiiqo ahayn taas oo ka soo hor jeeda xaqiiqada waxa dadka oo dhan u cad in gabadhu ka daacadnimo badan tahay Ninka dhanka jacaylka, gabadhu marka ay wax jeclaato way ilowdaa nafteeda sabab la xidhiidha qofka ay jeceshahay waxana ay u noqotaa daacad nolosheeda oo dhan sababta oo ah dareenka gabadha ayaa ka duwan mida Ninka sababta oo ah dareenka Gabadha ayaa ka jilicsan maadama uu illahay u abuuray in ay noqoto qof qalbi jilicsan.

Ninku waxa uu Sameeyaa khiyaamo in ka badan Gabadha sida lagu ogaaday daraasado iyo baadhitaano sida ay sheegeen khabiiro kana hadla xidhiidhada jacaylka in ay gabadhu ku dhibaatooto khiyaanada jacaylka taas oo beeninaysa in dadka sheegaya in uu Ninku ka daacadsanyahay gabadha dhanka jacaylka.

Marka laga fogaaado daraasadaha iyo baadhitaanada waxa jira xaqiiqooyin dhab ah oo ku saabsan Ragga iyo dumarka waana in ay Gabadhu ka daacasantahay Ninka sababta oo ah Gabadha ayaan la hadhayn dadaal iyo Naf hurid ay u samaynayso jacaylka sababta oo ah jacaylkeedu waa mid run ah sidaas darteed waxa ay u bixisaa wax walba oo nafteeda ku qaali ah kamna laba-labayso in ay nafteeda u hurto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*