Sabab Ay Khalad U Tahay In Aad Qof Si Xad Dhaaf Ah U Jeclaato, Ma Ahan Arin Kuu Fiican, Hada Iska Gaadh Hadii Ay Dhacday.

Wax kasta oo siyaado ah waxa uu leeyahay dhibaatadiisa Jacaylkuna ma ahan mid ka duwan.

In aad qof jeclaato waa arin fiican laakiin in aad si waali ah oo ka bad-badis ah u jeclaato qofkaas ayaa dhibaato kuu keenaysa waxana ay Arintaas halis ku noqonaysaa adiga, qofka aad jeceshahay iyo xidhiidhkiinaba.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababaha ay khalad u tahay in aad si waali ah oo ka badbadis ah u jeclaato qof kale hadii aad tahay wiil ama gabadh.

1.Waxa aad lumin doontaa xaqiiqada:

Hadii aad qof u jeclaato si xad dhaaf ah waxa dhici karta in aad lumiso xaqiiqada, Tusaale ahaan, hadii aad qof si xad dhaaf ah u jeceshahay waxa ay keenaysaa in aad ku raacdo wax walba hadii ay xumaan tahay iyo hadii ay wanaag tahay.

2.Qofka Aad Jeceshahay Ayaa Noqon Kara Mid Is Qanciyay:

Waxa dhici karta in qofka aad jeceshahay in uu u maleeyo in uu isagu ku leeyahay waliba waxa uu doono kaa samaysan karo ama uu wax walba adiga dhankaaga ku riixi karo maadama uu aaminsanyahay in aad jeceshahay oo aad wax walba u samaynso isaga dartii.

3.Waxa Dhici Karta in Aad Naftaada ku waydo Xidhiidhka qofka aad jeceshahay:

Waxa dhici karta in aad lumiso dhamaan noloshaada shaqsiga ah ee bulshdood si aad wakhtigaaga oo dhan ula qaadato qof aad jeceshahay, in aad qof ku soo uruuriso adduunkaaga oo dhan waa arin fiican laakiin waxa laga yaabaa in aad lumiso naftaada oo aad garan waydo qofka aad tahay.

4.Waxa aad ku tiirsanaan Karta Qofka Aad Jeceshahay:

Hadii aad si xad dhaaf ah u jeclaato qof waxa dhici karta in aad si waali ah qofkaas ugu tiirsanaato oo aad waliba la’aantii noolaan kari waydo oo aan talaabo qaadi kari waydo nolosha adiga oo dhamaan xadhiga u jaraya dadka kale ee Noloshaada ku jira sida qoyskaaga hooyo, Aabo, walaal, Asxaab iyo wixii la mid ah.

5.Waxa aad dayacaysaa Naftaada:

Hadii aad qof si xad dhaaf ah u jeceshahay waxa aan iloobaysaa naftaada adiga oo kaliya ka fikiraya waliba jeclaanaya qofka kale taas oo keenaysa in aanad wax kale u qabsan naftaada.

6.Waxa Ku Niyad Jabin Kara Qofka Aad Jeceshahay:

Maadama aad si xad dhaaf ah u jeceshahay qofka waxa dhici karta in aanu jacaylka kuula wadaagin sida aad adigu ula wadaagayso ama uuna kuu jeclayn sida uu kuu jecelyahay taas oo keenaysa Niyad jab weyn oo kugu dhaca noloshaadana dhanka kale u rogaya.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*