Sidee Ayaad Naftaada Uga Hor Istaagi Kartaa In Ay Jeclaato Qof Khaldan.

Jacaylka ayaa ah dareen cajiib & Naxariis waana mid dhexmara laba qof kuwaas oo wadaagaya dareen gaar ah oo aan ka dhexayn dadka kale.

Dareenka jacayl ayaa ah mid aanad dooran karin maadama qalbiga gabadhu jeclaan karto wiil walba sidoo kale Wiilku jeclaan karo gabadh walba.

Waxa jira kara qof ay khalad tahay in aad jeclaato sabab la xidhiidha in uuna kuu qalmin ama uuna kula wadaagin jacaylka aad u qabto.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi 4 wado oo aad naftaada uga ilaalin karto in aad jeclaato qof khaldan iyada oo warbixintan khusayso wiilal iyo gabdhaba.

1.In Aad Iska Ilaaliso Kaftanka Qofka Aanad Doonayn In Aad Jacayl U Qaado:

Kaftanka ayaa ah wadada ugu fudud ee aad qof si dhib yar jacayl ugu qaadi karto sidaas darteed qofa aanad doonayn in aad jacayl u qaado.

2.Wax Hadiyad Ah Haka Aqbalin Qofka Aanad Doonayn In Aad Jacayl U Qaado:

Hadiyadu waa arin fiican laakiin waxa jirta khatar ah in aad jeclaato qofka sida joogtada ah kuugu keena Hadiyado hadii uuna wax kale kaa doonayn.

3.Isku Day In Aad Mashquuliso Naftaada:

Mar walba ku dadaal in aad naftaada mashquuliso adiga oo qabanaya waxyaabo kaa mashquulinaya in aad wax dareen jacayl ah u qaado qofka aanad doonayn in aad xidhiidh jacayl u qaado.

4.Ka Fogow In Aad Meel Kali Ku Noqotaan:

Isku day in aadand kali kula noqon meel qofka aad doonayso in aadanad wax dareen jacayl ah u qaadin sababta oo ah hadii aad meel ku kulantaan waliba aad muddo wada joogtaan waxa dhici karta in aad is waraysataan oo aad sheeko halkaas ka bilowdaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*