U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Jacaylka Gabadhu u qabto Gacaliyeheeda waxa ay ka muuqdaan dhaqankeeda iyo sida ay ula dhaqanto, waxa jira waxayaabo badan oo uu Ninku jecelyahay waliba xada qalbiga Ninka.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa Gabadheey waxyaabo ay tahay in aad u samayso gacaliyahaada si aad meel ugu xidhatid qalbigiisa.

1.In Ay Daryeesho Una Cabsato:

Cabsida ay Gabadh u dareento gacaliyeheeda iyo darteeylka ay u muujiso waxa uu qalbiga Ninka galinayaa jacayl waali ah sababta oo ah waxa uu dareemayaa jacaylka ay u qabto isaga oo adeegsanaya ficilada ay samaynayso.

2.In Ay Lama Filaan Ugu Samayso Wax Uu Jecelyahay:

In ay gabadhu ka fariso gacaliyeheeda una samayso wax lama filaan ah oo uu jecelyahay waxa ay door weyn ka qaadataa in aad xado qalbiga NInka waliba uu si waali ah kuu jeclaado.

3.In Aad Fahamto Isaga oo Aan Hadalin:

Fahamka gabadha ee Gacaliyeheeda isaga oo aan hadalin waxa ay ka mid tahay waxyaabaha xada qalbiga Ninka sababta oo ah waxa ay la macno tahay in aad isla qabsateen waliba aad garanayso waxa uu doonayo adiga oo aan hadal u baahnayn.

4.Taageerista & Ka Yaraynta Culayska:

Waa arimaha ugu muhiimsan ee ay Gabadhu ku dagi karto qalbiga Ninka waana in ay mar walba garab istaagto oo ay ku taageerto waxa uu doonayo hadii uu gaadhi waayo wixii uu filayayna ka yarayso culayska Niyadana u dhisto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*