U Gaar Ah Dumark: Gabadhey Gacaliyahaagu Hadii Uuna 3-dan Tayo Lahayn Isgaa Fogow.

Gabadh walba waxa ay ku riyootaa in ay hesho Nin nolosha la wadaaga oo leh Sifooyin iyo Astaamo gaar ah iyo waliba tayo gaar ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa in aad isaga fogaato Ninku hadii uuna lahayn tayooyinka hoos ku xushan:

1.Daacadnimo:

Been waa Been nooc walba oo ay u egtahay iyo si walba oo ay u dhigantahay sidaas darteed Hadii wiilka aad xidhiidhka kula jirto uuna daacad kuu ahayn jar xidhiidhkiisa.

2.Mid xushamd badan, naxariis badan waliba Nin qoys ah:

Ninka aad xidhiidhka la wadaagto hadii uuna ahayn mid Ixtiraam badan, naxariis badan waliba ah Nin qoys waxa fiican in aad haatanba isaga hadho sababta oo ah wax faa’iido ah kuuma lahan.

3.Awood iyo waliba Nin isaga oo kaliya isku tiirsan:

Hadii aad doonayso Halyeey garabkaaga istaaga oo aad ku kalsoon karto waa in aad raadiso Nin leh awood shaqsi iyo mid jidh ahaan iyo waliba Nin isaga kaligiis isku tiirsan oo aan dadka kale waxba ka sugin laakiin hadii uuna arintaas lahayn waxba meesha kuuguma hayo ee la soco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*