U Gaar Ah Dumarka: 5 Arin Ay Raggu Ka Doonaan Gabdhaha Kadib Guurka, Gabadheey Ku Dadaal Arimahan, Waa Muhiim.

Guurka ayaa ah dhaqan soo jireen ah oo illahay u soo dajiyay Umada oo dhan kaas oo dhexmara laba qof oo Kala jinsi ah Ragg iyo Dumar.

Guurka ayaa ah Raaxo uu illahay u soo dajiyay umadiisa waana mid uu aadamuhu ku dhaqmo waana arin ay jacayl wadaagaan labada qof.

Marka aad guursataan waxa jira waajibaad labada qof isku leeyihiin oo uu Illahay mid walba dusha ka saaray tahayna in sideeda loo guto.

Hadaba waxa jira waxyaabo ay Raggu doonaan kadib guurka lagana yaabo in ayna garaynayn dumar badan oo Somalida ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 8 arin oo waaweyn oo ay Raggu doonaan guurka kadib laakiin ayna dumarku ogayn.

1.Ixtiraam:

Ragga oo dhan waxa ay doonaan in la Itxiraam, guur ama guur la’aan sidaas darteed hadii aanad Gacaliyahaaga siin Ixtiraam-ka uu u qalmo waxa dhici karta in uuna xidhiidhkiinu meel fog gaadhin.

2.In Aad Rumaysnaato Awooodiisa:

Ragg badan ayaa aaminsan in ay muhiim tahay in uu ilaaliyo gacalisadiida uu jecelyahay sidaas darteed Gabadheey gacaliyahaaga dareensii in aad rumaysantahay tayadiisa iyo awoodiisa waliba aad taageersantahay taasina waxa ay u noqonaysaa dhiiri galin keenaysa in uu sii dadaalo.

3.Jacayl iyo Kalgacal:

Ragga ayaan si cadaan ah u dalaban waxa ay doonayaan gaar ahaan Guurka, inkasta oo laga yaabo in uuna ku tusin ama kuu sheegun waxa uu u baahan yahay jacaylkaaga iyo kal gacalkaaga sidaas darteed u sheeg sida aad u jeceshahay waliba dareensii in uu khaas yahay.

4.Mahadnaq & Amaan:

Inta badan Ragga ayaa jecel in ay Amaan ka helaan Gacalisooda sidaas darteed marka uu wax kuu qabto u mahadnaq waliba ku amaan dadaalkiisa.

  • U Samee waxyaabahan hoos ku xusan:
  • Shumi una sheeg sida aad ula dhacsantahay qof ahaantiisa.
  • U Muuji gacaliyahaaga sida aad ula dhacsantahay shaqada adag ee uu hayo.
  • Uga mahad celi sida uu ugu dadaalayo gurigiisa.

5.Ku Kalsoonow:

Ma jiro Nin doonaya in uu helo gabadh mar walba ka shakisan waliba ilaalinaysa, inkasta oo kalsoonida lagu dhiso wakhti hubi in aad siiso wakhti uu kuugu muujiyo kalsooni buuxda.

6.Dulqaad iyo Isfaham:

Gabadheey ha filan in uu ninkaagu noqdo mid dhamaystiran sababta oo ah waxa dhici karta marar uu khalad galo waxa uu kaa sugayaa in aad cafiso oo aad fahamto una dul qaadato arintaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*