U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Oo Kuu Muujinaysa In Uu Gacaliyahaagu Aad Kuu Jecelyahay.

Hadii aad doonayso in aad ogaato in uu gacaliyahaagu si dhab ah kuu jecelyahay waxa kuu cadayn kara 5-tan arin ee hoos ku xusan.

1.Marka uu Ninku ku siiyo wax walba oo aad doonayso, hadii ay tahay dhanka dhaqaalaha ama dhanka taageerida, hadii uu qaab fiican uga fal celiyo waxa aad doonayso waxa ay cadaynaysaa in uu si dab ah kuu jecelyahay, Ninka aan doonayn in uu ku lumiyo waxa uu hubinayaa in uu kuu sameeyo wax walba oo aad doonayso isaga oo waliba adiga dartaa u shaqanaya si adag.

2.Marka uu Ninku muujiyo wal-wal dhanka caafimaadkaaga ah waliba mar walba si joogto ah kuula socdo waxa ay sidoo kale cadayn u tahay in uu si dhab ah kuu jecelyahay waliba doonayo in uu mar walba ku arko adiga oo caafimaad qaba.

3.Waxa uu mar walba kuu sheegi doonaa in uu Illahay isku kiin qoray waliba kuu sheegi doono qorshihiisa mustaqbalka waliba uu doonayo in uu adiga kula qaato inta noloshiisa ka dhiman.

4.Hadii uu Ninku ku baro waalidkii iyo qoyskiisa kale waxa ay cadayn u tahay in uu doonayo in uu noloshiisa kula wadaago inta ka dhiman waliba si dhab ah kuu jecelyahay.

5.Marka uu diyaarka u yahay in uu Ninku u dagaalamo jacaylkaaga waxa ay cadayn u tahay in uu si dhab ah kuu jecelyahay waliba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*