U Gaar Ah Dumarka: 5 Nooc Oo Dumarka Ah Oo Ay Raggu Si Waali Ah U Ixtiraamaan, Miyaad Ka Mid Tahay?

Waxa jira nooc dumarka ah oo ay Raggu si aad ah u qiimeeyaan waliba Ixtiraamaan.

Ixtiraam-ka ayaa diinteena Islaam-ka ah mid muhiim ah waxana jira qayb dumarka ka mid ah oo hela Ixtiraam waali ah oo Dhanka Ragga uga yimaada.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa Nooca dumarka ay Raggu Ixtiraamaa.

1.Gabadha Si Fiican Jidhkeeda U Asturta:

Inta badan Gabdheheena iyo dumarkeena Somalida ama Kuwa Muslimiinta ah ayaa jidhkooda si fiican u Astura jidhkooda laakiin waxa jira kuwo jidhkooda qayb ka mid ah Baneeya iyaga oo u maleeya Qurux ama labis sidaas darteed Raggu Waxa ay Si Buuxda U Ixtiraamaan Dumarka jidhkooda si fiican u Astura.

2.Dumarka Maskaxda badan:

Waa nooc dumarka ka mid ah oo hela Ixtiraam-ka Ragga waana Astaan cajiib ah maadama uu Ninku Ixtiraamo marka ay Gabadhu Siiso Talo maskax ku jirto ama si fiican ula hadasho.

3.Dumarka aan Ragga La Kaftamin:

Waa Nooc aan Dadkeena Somalida ku badnayn laakiin Raggu waxa ay Si Weyn U Ixtiraamaan Dumarka Afka gaaban ee aan Ragga La kaftamin marka ay meel lagu badan yahay joogto.

4.Dumarka Aan Sida Waalida Ah U Raadin Xidhiidh:

Caadadeena Somalida waxa lagu yaqaanaa dumar xishood badan laakiin wakhtigii ugu dambeeyay waxa ina dhinac martay caadada reer Galbeedka waxana soo baxay Dumar iyagu raadsada Ragg ay xidhiidh la sameeyaan laakiin Raggu dumarkaas ma Ixtiraamaan laakiin waxa ay si weyn u Ixtiraamaan Gabadha aan Iyadu raadin xidhiidh laakiin Ninku soo raadsado.

5.Dumarka Aan Lacagta Waydiisan Ragga:

Noocan dumarka ayaa ah mid muhiim ah waana mid ayayna Inta badan ku arkin dumarkeena Somalida laakiin Iska Ilaali In Aad Nin aad xidhiidh leedihiin lacag waydiisato hadii kale ma helaysid Ixtiraam-kiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*