U Gaar Ah Dumarka: 6 Khald Oo Ay Gabdhuhu Galaan Kulankooda Ugu Horeeya Ee Ay La Kulmaan Ninka, Ka Fogow Gabadheey.

Gabadheey, Kulanka ugu horeeya ee aad la yeelanayso Ninka waxa uu leeyahay muhiimad gaar ah maadama sida aad marka ugu horaysa isku cabirto ay saamayn ku yeelan karto go’aanka Ninka.

Hadaba waxa jira khaladaad ay galaan Dumarku marka ay marka ugu horaysa la kulmaan Nin ay doonayaan in ay xidhiidh la sameeyaan.

Iska ilaali khaladaadkan hoos ku xusan sababta oo ah waxa ay Fashilnayaan kulankaaga ugu horeeya ee Ninka:

1.In Aad Iska Dhigto Qof Aanad Ahayn:

Khaladka ugu horeeya ayaa ah in aad iska dhigto qof aanad ahayn kulankaaga ugu horeeya ee aad la kulmayso Ninka, hadii aad doonayso in aad Ninka qanciso waliba uu kaa helo iska ilaali in aad badasho qofka aad tahay sababta oo ah Nin walba waxa uu jecelyahay in uu arko waxa aad adigu tahay ma ahan wax aanad ahayn.

2.In Aad Si Waali ama Ka Bad-Badis ah isku qurxisid:

Isku day in aad si caadi ah isku diyaarisid laakiin iska ilaali in aad si ka bad-badis ah isku qurxisid sababta oo ah waxa ay keeni kartaa in uu Ninku kaa shakiyo isku day in aad sida aad mararka kale isku qurxisid samaysid oo aanad Ninka dartiis u samayn waxyaabo dheeraad ah.

3.In Aad Hortiisa Ku Dhaleecaysid Dad kale:

Waa in aad kaliya naftaada ka hadashid marka aad la joogtid Ninka iskana ilaali in aad soo hadal qaadid qof kale ama aad qof kale hortiisa wax kaga sheegtid.

4.In Aad Fursad U Siin Waydo Hadalka:

Waa arin inta badan ka dhacda kulamada labada qof, taas oo ah in uu mid kaliya hadalo laakiin iska ilaali arintaas, waa in aad Ninka fursad u siisid in uu hadalo oo uu ku sheekeeyo.

5.In Aad Muujiso Kalsooni Daro Naftaada ah:

In Aad muujiso kalsooni daro ama wal-wal marka aad la kulantid Ninka waxa ay sababi kartaa in uu kaa baxsado sidaas darteed muuji kalsooni kulanka ugu horeeya ee aad la kulanto Ninka.

6.Iska Ilaali Hadalada Xun:

Kulanka ugu horeeya ee aad la kulanto Ninka iska ilaali hadalada xun sida cabashada, in aad qof eed dusha ka saarto iyo hadalada xun ee kale sababta oo ah waxa ay keenaysaa in uuna Ninku mar kale kula kulmin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*