U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Hadii Uu Ninku Kuu Sameeyo 6-dan Arin Ha Sii Dayn, Waa Kii Nolosha Kula Wadaagi Lahaa.

Wakhti xaadirkan dumarka ayay ku adagtahay in ay helaan Nin daacad ah oo ay Nolosha wadaagaan taas oo keentay in ayna heli Nin ay nolosha la wadaagaan.

Laakiin arintaas ayaad ka bixi kartaa hadii aad raadiso Ninka Ku samaynaya 6-da qodob ee hoos ku qoran.

1.Ninka Ku ilaaliya:

Hadii uu gacaliyahaagu ku ilaaluo waliba uuna doonayn in aad xidhato waxyaabo aan ku haboonayn diinteena ama soo saaraya quruxdaada waxa iska cad in uu si dhab ah kuu jecelyahay waliba waxa uu noqon karaa Nin kula wadaagi kara nolosha.

2.Hadii uuna dhaawicin Dareenkaaga:

Hadii gacaliyahaagu ilaaliyo dareenkaaga waliba uuna marna kaa xanaajin ama uuna ku dhaawaicin waxa ay muujinaysa dareenkiisa dhabta ah ee uu kuu qabo waana uu ku jecelyahay.

3.In Uuna Wax Dan Ah Ka Galin Gabdhaha kale:

Ragga ayaa inta badan u jilicsan dumarka quruxda badan waliba si dhib yar u jiita laakiin hadii uu Ninku si dhab ah kuu jecelyahay wax dan ah kama galayo gabadh walba oo qurux badan oo hor marta.

4.In Uuna Kula Tartamin:

Ninka Ku Jecel Marna kulam tartamayo wax walba oo dhaca waxana uu si dhib yar kuugu ogolaanayaa in aad ka guulaysato hadii ay dhacdo in aad tartantaan.

5.Waxa Uu Ku Barayaa Qoyskiisa & Asxaabtiisa:

Ninku hadii uu ku jecelyahay waxa uu ku barayaa qoyskiisa sida hooyadiis aabihiis iyo waliba Asxaabta kale ee agtiisa qaaliga ku ah waana in aad ku adkaysato Ninkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*