U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Marka ay laba qof xidhiidh jacayl wadaagayaan ama ay is qabaan khilaafka ayaa iska yimaada waxana dhici karta in uu midkood khalad ka galo midka kale.

Horay warbixineenii hore waxa aan idiin soo bandhignay qaabka uu Ninku u raali galin karo gacalisadiisa marka ay ka xanaaqdo ee uu khalad ka galo.

Hadaba maanta waxa aan idiin soo bandhigi doonaa qaabka ay Gabadhu u raali galin karto gacaliyeheeda marka ay khalad ka gasho.

1.Dheh waan ka xumahay, dhabna ha kaa ahaato:

Hadii aad khalad ka gasho gacaliyahaaga waxa fiican in aad raali galiso waliba hubi in ay raali galintu dhab kaa tahay, waxa uu ogaan doonaa hadii aad si daacad ah u raali gaiso waxana uu kaa cafin doonaa khaladkii aad ka gashay.

2.Laabta Gali:

Hadii aad khalad ka gasho gacaliyahaaga marka aad si daacad ah raali galiso talaabada xigta ee aad samayn karto ayaa ah in aad laabta galiso waliba si xoogan u qabsato waxana ay taas keenaysaa in uu ku cafiyo khalad walba oo aad ka gashay.

3.Cunto Uu Jecelyahay U Kari:

Qodobkan ayaa ah mid aad u khuseeya labada qof ee is qaba waana qodob muhiim ah marka aad gacaliyahaaga khalad ka gasho ee aad raali galiso isku day in aad u kariso cunto uu jecelyahay si aad u sii xoojiso raali galintaada.

4.Amaan:

Qodobkan ayaa dhici karta in uu gacaliyahaagu kaa aqbalo raali galinta marka aad amaan ugu qubayso adiga oo isticmaalaya kalamado jacayl leh .

5.Wax Lama Filaan Ah U Samee:

Qodobkan ayaa noqon kara waxyabo badan, hadii aan lama filaan ka hadlayno waxa ay noqon kartaa in aad suuqa uga soo iibiso wax uu jecelyahay adiga oo aan dareensiin in aad u soo iibinayso ama in aad u dirto fariin jacayl ah oo cajiib ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*