U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uuna Gacaliyahaag Waligaa Kaa Tagin, 3-dan Arin Ayaad Ku Dagi Kartaa Qalbigiisa.

Ma jiraan wax ka adag marka ay Gabdhu doonayso in ay gacaliyeheeda ku qanciso in uu kali ku noqdo oo uuna la guursan waliba ay ka qariso dumarka kale ee ka garab dhaw.

Gabadheey ma ahan shaqo adag in aad Gacaliyahaaga ku qanciso in uu kali kugu ahaado marka loo eego in diinta Islaamku Ninka u ogoshahay in uu 4 Dumar ah guursado.

Laakiin waxa jirta wado aad gacaliyahaaga ugu qancin karto in ayna indhihiisu arkin gabadh kale oo aan adiga ahayn.

Hadaba hadii aad doonayso in uu gacaliyahaagu kaligaa kugu ekaado oo uuna indho u yeelan gadh kale 3-dan arin samee.

1.U Samee waxyaabo uu ku farxo marka uu kula joogo:

Hadii uu kugu garab caajiso marka uu kula joogo waxa ay ku keenaysaa in uu ku fikiro gabadh kale laakiin hadii aad u samayso waxyaabo uu ku farxo waliba ku qaslo inta uu kula joogo sidoo kale u samaysid waxyaabo uu ku farxo waxa qalbigiisa ka baxaya in uu qof kale ka fikiro maadama uu adiga kugu mashquulsan yahay.

2.Isku Day In Aad hesho wakhti aad isaga fogaato:

Ma ahan in aad ka tagtig laakiin isku day in aad ku qasabtidi in uu kuu xiiso adiga oo wakhti ku qaadanaya meel ka fog isaga, tusaale ahaa in aad u sheegto in aad wakhti la soo qaadatid qoyskiina sida hooyadaa Aabahaa ama dadka kale ee aad ehelka tihin taasna waxa ay keenaysaa in uu kuu xiiso waliba qalbigiisu ku tabo.

3.Saaxiib La Noqo Asxaabtiisa:

Isku day in aad u dhawaato Asxaabtiisa adiga oo waliba danaynaya lana samayanaya xidhiidh dhaw oo saaxiibtinimo, sida aan ognahay Raggu waxa ay talooyin ka qaataan inta badan Asxaabtiisa taas oo kaa caawinaysa in ay dhankaaga u leexdaan marka uu khilaaf yar idin soo dhex galo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*