U Gaar Ah Dumarka: Mar Walba Samee 5-tan Arin Hadii Aad Doonayso In Uu Gacaliyahaagu Indhihiisa Kaa Jeclaado.

In Aad Hesho Nin xidhiidh kula sameeya waa hal arin laakiin in aad ogaato sida aad isku jeclaysiiso waa arin kale oo ka duwan.

Waxa jira sababo aad qof u jeclaato marka aad fahamto sababahaas iyo xeerka aad ku soo jiidan karto Ninka waxa aad noqon kartaa qof is jeclaysiiya Ninka aad doonayso.

Hadaba isku day in aad arimahan u samayso si aad Isku jeclaysiiso Gacaliyahaaga waliba aad qalbigiisa u dagto inta ka dhiman noloshiisa.

1.Noqo mid naxariis iyo tixgelin leh:

Had iyo jeer ku dheh “Mahadsanid” wax kasta oo yar oo uu kuu qabanayo, amaano, waqti sii, ama caawi marka uu u baahanyahay waxa ay arintaas muujinaysaa shaqsiyadaada Naxariista leh waxana ay kordhinaysaa jacaylka uu Ninku kuu qabo.

2.Muuji Jacaylkaaga:

Mararka qaar isku day in aad jacaylkaaga muujiso adiga oo adeegsanaya tilmaamahaga, waxa aad samayn kartaa adiga oo si fiican u dhagaysanaya marka uu kula hadlayo, adiga oo u samaynaya wax uu ku farxo maalin walba, adiga oo u sheegaya in aad danaynayso waliba ku taageeraya wax walba oo sameeyo.

3.U Mahad Celi Mar Walba:

Ragga ayaa doona ama jecel in looga mahad celiyo dadaalada uu sameeyo sidaas darteed isku day in aad mar walba u mahad celiso waliba aad u faraxsantaay waxa uu kuu samaynayo waxa ay ka dhigaysaa in uu si waali ah kuu jeclaado.

4.Mar Walba Waydii Sida Ay Maalintiisu Tahay:

Waydiinta Gacaliyahaaga sida ay tahay maalintiisu waxa ay u muujinaysaa in aad danaynayo waxana ay keenaysaa in uu qalbigiisa kuu galo jacayl aanad horay u arkin.

5.Isku Qurxi Isaga Dartiis:

In aad is qurxiso waxa ay soo jiidanaysaa dareenkiisa  waxana ay ka dhigaysaa in uu ku jeclaado, Ragga ayaana inta badan jecel in ay Arkaan gacalisadiisa oo qurux badan mar walba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*