U Gaar Ah Lamaanah: Maxay Gabadhu Ka Filaysaa Gacaliyeheeda Kadib Guurka, Ku Dadaal Ninow

Waxa ay Gabadhu ka filato gacaliyeheeda ayaa aad uga duwan waxa uu Ninku ka fasho xaaskiisa kadib guurka sababta oo ah waxa ay gabadhu filanayso ayaa aad uga fudud waxana ay saamayn weyn ku yeelanaysaa guurka sidaas darteed hadii uu Ninku ka soo boxo waxa ay Gabadhu ka filanayso guurkaas ayaa noqonya mid guulaysta.

Hadaba waa maxay waxa ay gabadhu ka filanayso Gacaliyeheeda Kadib Guurka?

1.In uu dareensiiyo Amaan:

Waxa ugu horeeya ee ay Gabadhu ka filayso gacaliyeheeda ayaa ah amaan waxana ay doonayaa in ay agtiisa ku dareento amaan waliba noqdo mid daacad u ah oo aan galin shaki iyo wax la mid ah.

2.In uu Ixtiraamo:

Marka ay gabadhu joogto guriga hooyadeed iyo Aabeheed waxa ay dareemaysay Ixtiraam weyn oo ay kala kulantay qoyskeeda uguna horeeyaan aabeheed iyo Hooyadeeed sidaas darteed Gabadh walba waxa ay filaysaa in ay isla Ixtiraam-kaas iyo mid ka badan ka hesho gacaliyeheeda kadib guurka.

3.In Uu Daacad U Noqdo:

Daacadnimada ayaa ah arin muhiim ah gaar ahaan gabadha waxana ay filaysaa in Ninkeedu daacad u noqdo waliba ay dareento daqiiqad walba oo ay wada joogaan.

4.In uu Ula dhaqmo si Naxariis ku jirto:

Naxariista iyo garab istaagu waa waxa ay gabadhu ka filayso gacaliyeheeda guurka kadib waxana ay doonayaa in ay ka hesho Ixtiraam iyo waliba qadarin iyo garab istaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*