U Gaar Ah Lamaanaha: Waa Maxay Sababta Ay Raggu Si Deg-deg Ah Ugu Seexdaan Kadib Kulanka Sariirta?

Qaar badan oo dumarka ah hurada uu Ninku seexdo kadib kulanka sariirta ayaa ah mid aad u jahwareer badan oo dhib badan taas oo mararka qaar keenta in ay Gabadhu is waydiiso in uuna Ninkeedu doonayn in uu la sameeyo xidhiidhka kulanka sariirta ama uu Si qarsoodi ah u qabo gabadh kale.

Dumarka ayaa u fikira wado Romantic ah oo ka duwan Ragga laakiin arinta la yaabka leh ayaa ah in ayna huradad Ninka ee kadib kulanka sariirta ayna la xidhiidhin fiicnida kulanka sariirta ama ku raaxaysiga labada dhinac ee kulanka sariirta.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababaha dhabta ah ee Keenta in ay Raggu si deg-deg ah u seexdaan kadib kulanka sariirta:

1.Dabeecada Jidhka Ninka oo is badasha kadib marka uu gaadho raaxada kulanka sariirta:

Kadib kulanka sariirta jidhka Ninka ayaa sii daaya wax loo yaqaano “biochemical prolactin” taas oo badasha Dhaq-dhaqaaqda jidhka Ninka hoosna u dhigta sidaas darteed waxa uu Ninku u baahanayaa Hurdo uu ku soo ceshado taam ahaanshihiida.

2.Dadaalka uu Samaynayo inta uu Ku Jiro Kulanka Sariirta:

Jidhka Ninka ayaa samaynaya dadaal dheeraad ah inta lagu jiro kulanka si uu u gaaro raaxada kulanka sariirta waxana uu Ninku noqonayaa mid daalan kadib kulanka sariirta taas oo keenaysa in uu si deg-deg ah u seexdo.

3.Rabitaan La’aanta Kulanka Sariirta:

Ninka waxa ku dhacaya rabitaan la’aan kulanka sariirta ah kadib marka uu gaadho raaxada taas oo keenaysa in uu iska seexdo kadib dadaal jidheed iyo mid maskaxeed oo uu smaeeyay intii lagu jiray kulanka sariirta.

4.Sii Daynta Hoormoonada nasashada:

Oxytocin iyo vasopressin, oo ah laba kiimiko oo kale oo la sii daayo inta lagu jiro kulanka sariirta ayaa sidoo kale lala xidhiidhiyaa hurdada Ninka waana Hoormoono Nasasho ah kuwaas oo sabab u noqda in uu Ninku isla markiiba seexdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*