U Gaar Ah Ragga: 14 Fariin Oo Jacayl Ah Taas Keenaysa In Ay Gabadhu In Badan Ku Doonta Kuna Jeclaato.

Dumarka ayaa inta badan jecel in ay maqlaan kalmado jacayl oo fiican, waxa ay doonayaan in ay ogaadaan waxa aad u dareemayso waana sababta ay tahay mar walba xasuusiso jacaylka aad u qabto.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa 14 fariin oo jacayl ah oo aad u diri kartid gabadha aad jeceshahay.

1.Qayb walba oo adiga kaa mid ah waa cajiib, waxa aad leedahay waji qurux badan, qosol ay Ragga oo dhan isku dili karaan, jidhkaaga quruxda badan ayaana mar walba keenaya in aad dib kuu jeclaado.

2.Ka hor intii aanan kula kulmin waxa madhnayd qayb badan oo qalbigayga ah laakiin tan ilaa markii aad noloshayga ku soo biirtay waxa aan dareemay farxad dhamaystiran oo aanan markii hore haysan, waan ku jecelahahay gacaliso mana doonayo in aad adiga la’aantaa noolaado hal daqiiqo.

3.Asxaabtayda oo dhan waxa ay ka masayrsanyihiin in aan helay gabadha fiican adiga oo kale.

4.Waxa la sheegaa marka aad la kulanto qof khaas ah in aad ogaan doonto in ay tahay Gabadhii ku dhamaystiri lahayd, markii ugu horaysay ee aan ku arkay ayaan ogaaday in aad tahay jeexaygii kale.

5.Ubaxu waa casaan wadnuhuna waa Dhiig fadhiya, waan ku jecelahay Gacaliso waxa aan rajaynayaa in aad adiguna dareemayso sidaas oo kale.

6.Wax dhibaato ah ma lahan si walba oo ay maalintaydu u xumaado, marka aan arko dhoolacadayntaada wax walba way ii fiicnaanayaan.

7.Gacaliso marka kale ee aan ku arko waxa aan kaa doonayaa in aad Shumis i amaahiso, waxa aan kuu balan qaadayaa in aan kuu soo celiyo.

8.Adiga ayaan ku dooran lahaa hadii fursad kale la i siiyo, In aan adiga qalbiga kugu hayo ayaa i siinaysa farxad iyo daganaansho qalbiga ah.

9.Waxa aan ku jecelahay in ka badan inta aad sawiran karto, maalinba maalinta ka dambaysa jacaylka aan kuu qabo ayaa sii xoogaysanaya.

10.Gacaliso waxa aad iga badbaadisay Naftayda, waan ku jecekahay.

11.Waa Ku Mahadsantahay in aad i jeclaatay oo aad nolosha iga siisay wax aan u noolaado.

12.Ma sheego inta badan laakiin aad ayaan kuugu faanayaa adiga.

13.Waxa aan ahay qof ka fiican sidii hore adiga ayaana sabab u ah.

14.Waxa aan kaliya doonayaa in aan ku xasuusiyo in aad ku jecelahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*