U Gaar Ah Ragga: 3 Sabab Oo Keeni Karta In Ay Ku Waydo Gacalisadaada Xitaa Hadii Aad Qof Fiican Tahay, Iska Jir.

Xiriirka jacayl ee wanaagsan ee u dhexeeya Ninka Iyo Gabadha ayaa ku dhisan xidhiidh joogto ah, Horumar iyo waliba tanaasul labada dhinac ah.

Dumarka ayaa ayaa inta badan wax badan u qabta xidhiidhka jacaylka laakiin mararka qaar waxa dhacda in ay isaga tagto Ninka ay xidhiidhka la wadaagto xitaa hadii uu yahay Nin fiican oo ay jeceshahay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo ay Gabadhu isaga tagi karto ninka ay jeceshahay xitaa hadii uu yahay Nin fiican.

  1. Caajis

Dumarka ayaa ah kuwo caadi ahaan u abuuran qalbi jileec waxana dhici karta in ay isaga tagto Ninka xitaa hadii uu Nin fiican yahay laakiin ka waydo daryeel.

Waxaa muhiim ah in la fahmo in danaha iyo baahiyaha qofka aad jeceshahay ay yihiin qaybo waxana fiican in aad xidhiidhkaaga ka saarto caasijka.

Sidaas darteed si aad gabadha aad jeceshahay uga ilaaliso caajidka isku day in aad u samayso waxyaabo aanad horay ugu samayn kana farxi in badan.

2.Muuqaalka:

Xitaa haddii ninku yahay mid cajiib ah oo tixgelin leh Gabadhu way ka tagi kartaa hadii uuna ku soo jiidan muuqaalkiisa, gabadh walba waxa ay jeceshahay in ay xidhiidh la samayso Nin is daryeela hadii ay tahay muuqaalkiisa gudaha iyo waliba midka gudaha.

3.Marka Ay Gabadhu Dareento In Aan La Doonayn:

Marka uu Ninku joojiyo in uu amaano gabadha waxa ay dareemaysaa in uuna gabi ahaan doonayn sidaas darteed waxa ay sabab u noqon kartaa in ay isaga tagto Ninka sidaas darteed isku day in aad gacalisadaada amaanta u badiso hadii kale waxa a raadsan doontaa Nin u sameeya waxa ay doonayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*