U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baadhantahay Xidhiidhka, Hadii Aad U Samayso Adiga Ayaa Isla Leh Qalbigeeda Cid Kulama Lahan.

Xiriirka jacaylku waa heshiis u dhexeeya laba qof oo Will iyo Gabadh ah hadaba si aad ugu raaxaysato xidhiidhka jacayl waa in aad raadiso waxa ay gaabdhu kaa filayso.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 4 arin oo ay Gabadh walba ka filato xidhidhka jacayl hadii uu guur ku dambayn doonoiyo hadii kaleba.

1.In Aad Gabadha Siiso Dareen gaar ah:

Ninow gabadha sii dareenkaaga oo dhan waxana ay taasi kaa caawinaysaa in ayna garabkaaga ka tagin, hadii aad dareenkaaga siiso waxa ay keenaysaa in ay Gabadhu kuu furanto xitaa kuuna sheegto xitaa sireheeda.

2.Ixtiraam iyo qadarin.

Ku mahadnaq cunto karinteeda, dhar maydhiskeeda, iyo wax kasta oo fudud oo ay kugu samaynayso. Ku ixtiraam fikradeeda iyo dardaarankeeda hadii aad arintaas samayso Waxa aad kasabanaysaa qalbigeeda.

3.Lacagta:

Lacagta ayaa ah wax walba adduunkan aan joogno maanta in uu jiro xidhiidhka jacaylkuna waxa loo baahanyahay in ay lacag jirto sidaad darteed isku day in aad haysid lacag fiican si aad u koriso xidhiidhka.

4.Jacayl & Kal Gacal:

Ku cadee jaceylkaaga inaad tahay Nin Kal Gacal leh iskuday waxyaabo cusub oo aad jacaylkaaga ugu muujin karto gabadha samee wax walba oo aad awood si aad khaas ugu noqoto qalbiga gabadha ma jirto sabab walba oo ay kaaga tagi karto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*