U Gaar Ah Ragga: 4 Sabab Oo Keenaysa In Ay Kaa Tagto Gacalisadaadu Xitaa Hadii Ay Si Waali Ah Kuu Jeceshahay, Ka Fogow Ninow.

Marka laga hadlayo jacaylka, Dumarku runtii way ku fiican yihiin, waxa aan uga jeedaa Dumarku waxa ay wax walba u samaynaysaa si ay kuugu muujiso sida ay kuu jeceshahay.

Laakiin inkasta oo ay si dhab ah kuu jeceshahay hadana Gabadhaas ayaa kaa tagi karta waxana jirta 4 sabab oo ay Gabadhu kaaga tagi karto xitaa hadii ay ku jeceshahay, hadaba iska jir ninow.

1.Marka aanad La Joogin Marka Ay Kuu Baahantahay:

Dumarku marka ay wax jecelyihiin wax badan ayay ka filaan gacaliyeehda waxana laga yaabaa in ay kaa doonayso waxyaabo badan, laakiin marar qaar ayaa dhacda in ay doonaan in aad garab joogto hadii aanad markaas garab joogin oo aanad u muujin taageeradaada waxa dhici karta in ay kaa tagto si walba oo ay ku jeceshahay.

2.In Aanad Iyada Ka Dhigin Muhiimadaada ugu horaysa:

Gabadh walba waxa ay doonaysaa in uu gacaliyeheedu ka dhigo muhiimadiisa 1-aad, gabadh walba waxa ay dareemaysaa in ayna xidhiidhka amaan ku ahyn hadii ayna dareemin in uuna gacaliyeheedu u muujinayn in ay muhiim ka tahay noloshiisa.

3.In Aad Bar-Bar Dhigto Gabdhaha Kale:

Waxa laga yaabaa Nin ahaan in aanad ogayn bar-bar dhiga gacalisadaada in ay tahay mid aan fiicnayn waliba dhaawici karta qalbiga gacalisadaada sidaas darteed hadii aad bar-bar dhigto gabadh kale waxa ay keeni kartaa in ay kaa tagto.

4.Sheegista Beenta Badan:

Beenta badan ayaa disha xidhiidhka, inkasta oo laga yaabo in aanad adigu dan ka lahayn laakiin gabadha ayaa mar walba danaysa waliba doonta in ay kugu kalsoonaato sidaas darteed hadii aad been badan u sheegto waxa ay keenaysaa in ay kaa tagto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*