U Gaar Ah Ragga: Hadii Ay Gabadhu Leedahay 6-Dan Hayo, Marna Ha Sii Dayn, Waa Dahab Aan La Helin..

Waxa laga yaabaa in aad xidhiidh kula jirto gabadh aad jeceshahay waxana dhici karta in ay leedahay tayooyin fiican oo aad la dhacsantahay.

Hadaba hadii gacalisadaadu leedahay tayooyinkan isku day in aad ku dhagto hana sii dayn.

1.Hadii Ay Kaa maskax badantantahay:

Marka aad raadinayso gabadh aad nolosha la wadaagto isku day in aad raadiso gabadh maskax badan waliba adiga kaaga fiican arintaas waxana arintaas kaa caawinaysaa in uu xidhiidhkiinu dheeraad sidoo kale ay si gaar ah kuu ilaaliso.

2.Gabadha Daacada ah:

Qof walba waxa uu sameeyaa go’aano khaldan waxana ugu muhiimsan qaabka uu qofku uga soo laabto khaladkaad hadaba hadii ay gabadha aad jeceshahay daacad kuu tahay waxa ay xoojinaysaa xidhiidhkiina sidaas darteed hadii aad hesho gabadh daacad ah isku day in aanad sii dayn.

3.Gabadha Nafta kuu huraysa:

Nolosha ayaan mar walba noqon doonin mid fiican xidhiidhka waxana dhici karta in aad soo marto wakhti adag loona baahanyahay in aad labadiinuba samaynaan naf hurid waxana fiican in aad raadiso gabadha diyaar u ah in ay adiga dartaa nafteeda u hurto waliba samayso Tanaasul buuxa.

4.Gabadha Qalbiga Furan:

Qodobkan ayaa ah mid muhiim ah lamaanaha sidaas darteed gabadha qalbiga furan waxa ay si daacad ah kuula wadaagaysaa wax walba oo ay ka xuntahay xidhiidhkiina taas oo keenaysa in aad saxdo khaladka.

5.Gabadha Kugu Taageerta Ujeedkaaga, kana horaysiisa Ujeedkeeda:

Gabadha diyaarka u ah in ay adiga dartaa uga hadho ujeedkeeda si ay adiga kuugu garab istaagto waxa aad doonayso in aad gaadho ayaa ah gabadh dahab ah oo ay adagtahay in la helo sidaas darteed ku fara adayg hadii aad hesho gabadha noocaas ah.

6.Gabadha Xidhiidhka Fiican La Leh Waalidkeed:

Hadii aad doonayso in aad xidhiidh fiican samayso raadi oo hadii aad heshona ku adkayso xidhiidhkeeda gabadha xidhiidhka fiican la leh waalidkeed waana arin muhiim u ah xidhiidhka labada qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*