U Gaar Ah Ragga: Hadii Gacalisadaadu Samayso Arimahan, Waa Midii Nolosha Kula Wadaagi Lahayd Ee La Soco Ninow.

Doorashada gabadha kula wadaagaysa Nolosha ayaa ah mid adag waxana loo baahan yahay in aad si fiican uga fiirsato gabadha aad dooranayso.

Guurka ayaa ah dhaqanka somalida mid muhiim ah maadama labada qof mrka ay is guursadaan loo baahanyahay in ay wada joogaan inta noloshooda ka dhiman.

Sidaas darteed marka aad dooranayso gabadh aad la joogayso inta noloshaada ka dhiman waxa muhiim ah in aanad ku deg-degin oo aad si fiican uga fiirsato.

Hadaba hadii ay Gabadha uu dookhaagu ku dhacay kuu samayso arimahan hoos ku xusan waa mid kugu haboon ee ha sii dayn ee guurso.

1.Hadii ay Gabadhu Jacaylkeeda kuugu muujinayso siyaabo kala duwan xitaa ayna ka laba-labayn waa arin fiican wxana ay u qalantaa in ay marwadaada noqoto ee guurso.

2.Haddii ay aad u taageerto wax kasta oo aad samaynayso waliba mar walba taageero kula garab taagantahay waa in aad guursato sababta oo ah waa mid fiican.

3.Hadii ay ku ixtiraamto oo ay waliba kaala hadasho wax walba oo dhibaya waxa ay kuu noqon kartaa Marwo fiican.

4.Hadii ay ku dhageysato oo ay sameyso waxkastoo aad sheegto waa gabadh fiican oo mustaqbalka kula wadaagi karta.

5.Hadii ay dhibaato idinka dhex dhacdo hadii ay Gabadhu kula hadasho oo ay diyaar u tahay in aad xalisaan wax walba oo dhacay waliba aan iyadu abuurayn dhibaato kale waa arin u fiican xidhiidhkiina mustaqbalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*