U Gaar Ah Ragga: Ma Dhacday In Ay Gabadh Aad Ka Heshay Kuu Diiday In Ay Ku Siiso Telefoon Lambarkeeda, 3-dan Arin Ayaa Sabab U Ah Ee La Soco.

Ma jeclaatay Gabadh?, mana ka heshay?, ma doontay in aad lambarkeeda waydiiso si aad ula xidhiidho?, ma dhacday in ay kuu diido?, maxaa sabab u ah.

Waxa dhacda marar badan oo uu Ninku ka helo gabadh waliba isku dayo in uu helo Lambarkeeda si uu ula xidhiidho halkaasna ka bilaabo xidhiidh jacayl.

Waa arin iska caadi ah oo ka dhacda bulshadeena somalida in uu Wiil gabadh uu ka helay waydiisto lambarkeeda laakiin waxa marar badan dhacda in ay gabadhu u diido in ay siiso lambarka.

Hadaba Halkan Waxa aan ku soo bandhigaynaa 3 arin oo sabab u ah in ay Gabadhu kuu diido Lambarkaaga.

1.Hadii ay Gabadhu diido in ay lambarkeeda ku siiso la soco in ayna doonayn in ay wax xidhiidh ah kula samayso sidaas darteed waxa fiican in aad isaga hadho oo aad raadsato gabadh kale.

2.Hadii ay Gabadhu kuu diido Lambarkeeda ma fiicna in aad qasab ku hesho laakiin isku day in aad wakhti siiso hadii ay gabadhu kula qabto dareenka aad adigu qabto iyada ayaa kugu soo laaban doonta oo lambarkeeda ku siin doonta.

3.Mida kale ayaa ah in hadii ay gabadhu diido in ay lambarkeeda ku siiso waxa sabab u ah in ay qof kale xidiidh kula jirto oo ayna doonayn in ay adiga been kuu sheegto sidoo kale ku niyad jabiso.

4.Mid ugu damaysa ayaa ah in ayna doonayn in ay samayso ama bilowdo xidhiidh sabab la xidhiidha dhibaatooyin ka soo maray wiil hore oo ay xidhiidh la samaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*