U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Ay Gabadhu Si Waali Ah Kuu Jeclaato, Arimahan Ayaa Lagaaga Baahanyahay

Dhamaan Ragga ayaa jecel in ay helaan gabadh si aad ah u jecel oo aan qalbiga ka jabin lana wadaagta jacayl daacad ah.

Hadaba waa in uu Ninku mar walba ogaado in ay jirto wado keenaysa in ay gabadhu kuu jeclaato si waali ah.

Waxa lagaaga baahanyahay in aad samayso waxyaabahan hoos ku qoran hadii aad doonayso in ay gabadhu indheheeda kaa jeclaato.

1.Ka Dhunko Fooda:

Ka Dunkashada Fooda ayaa keenaysa in ay Gabadhu dareento jacaylka aad u qabto waliba dareensiinaysa in aad si aad ah u danaynayso waxana ay keenaysaa macno kale taas oo keenaysa in ay si waali ah kuu sii jeclaato.

  1. U Dir Fariimo Jacayl:

Haa, waa arin muhiim ah oo aad gabadh ku keeni karto in ay si waali ah kuu jeclaato waana in aad u dirto fariimo jacayl mararka wakhti yar la joogo.

Arintan ayaa gabadha xasuusinaysa sida aad u jeceshahay waxana ay keenaysaa in ay si waali ah kuu sii jelaato waliba aad si dhab ah u dagto qalbigeeda.

3.Waydii Waxa Ay Doonayso:

Waa arin abuurta jacayl waali ah marka aad gabadha waydiiso waxa ay doonayso taas oo kor u qaadaysa jacalka ay kuu qabto.

Maxay ku farxaysaa?, Maxay u baahantahay in ay noloshaada ka badasho? ma jiraan wax aad xidhiidhkiina ka badasho?.

Waa arin cajiib ah in aad gabadha waydiiso waxa ay doonayso in aad u samayso taas oo keenaysa in ay si waali ah kuu jeclaato.

4.Aaamid:

Amaanta ayaa saamayn waali ah ku yeelata gabadha, waana mid qalbigeeda dajisa sidaas darteed isku day in aad badiso Amaanta gabadha waxana ay taasi kaa caawinaysaa in ay si waali ah kuu jeclaato.

5.Hadiyad:

Dumarka ayaa ah kuwo qalbi jilicsan oo qalbigooda lagu heli karo qaab fudud sidaa darteed hadii aad caado ka dhigato gabadha in aad u keento hadiyad waxyaabaha ay jeceshahay ah adiga oo aan u sheegin waxa ay keenaysaa in ay indheheeda kaa jeclaato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*