U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Ay Gacalisadaadu Ku Jeclaato Oo Ayna Waligeed Ku Iloobin, Arimahan Ayaa Kaa Xiga

In Aad Samayn fiican ku yeelato Gabadha waa mid adag oo aan fududayn laakiin ma ahan wax aan suurtagal ahayn.

Hadii aad hal mar gabadha si fiican u hesho qalbigeeda waxa shaki la’aan ah in ayna waligeed ku iloobi doonin inta nolosheeda ka dhiman.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxyaabo ay tahay in aad u samayso gacalisdadaad hadii aad doonayso in ay ku jeclaato oo ayna waligeed ku iloobin.

1.Adiga Oo La Jooga Ha eegin Gabadh Kale:

Ragga ayaa dabeecad u leh in ay iska eegaan dumarka marka ay arkaan gabadh qurux badan xitaa hadii ay mar walba gabdho qurux badan ku hareeraysan yihiin.

Sidaas darteed hadii aad doonayso in aad xado qalbiga gabadha aad doonayso iska ilaali in aad eegto gabdho kale mara aad la joogtid.

2.Ku Farxad Gali Kulanka Sariirta:

Arintan ayaa khusaysa dadka Lamaanaha ah ee Is qaba waana arin muhiim ah hadii aad doonayso in ay Xaaskaagu ku jeclaato inta nolosheeda ka dhiman waa in aad ku dadaasho in aad waajibkaaga si fiican u gudato kuna farxad galisid kulanka sariirta.

3.La Qaado Wakhti Tayo Leh:

Sida aad u qabto shaqo walba oo aad leedahay, Gabadha u samee wakhti aad la joogtid waliba si gaar ah ula sheekaysatid adiga oo gaynaya meel Romantic ah sida Hudheel loogu tala galay dadka is jecel.

4.U Muuji Sida Ay Khaaska Kuugu Tahay:

Inta badan Ragga ayaa ilooba Qodobkan laakiin waa arin muhiim ah in aad gabadha u muujiso in ay Agtaada khaas ka tahay adiga oo u sheegaya sida ay qaaliga kuugu tahay sidoo kale u keenaya Hadiyado iyo waxyaabo ay jeceshahay adiga oo aan horay ugu sii sheegin.

5.Kaliya Ha Odhan”Waan Ku Jecelahay” U Muuji Jacaylkaaga:

Dumarka ayaa inta badan qalbi jilicsan waliba dareenkoodu aad u dhawyahay waxana ay mar walba jeceshahay in ay dareento jacaylka aad u qabto.

Sidaas darteed “waan ku jecelahay” kaliya Afka haka odhan laakiin u muuji jacaylkaaga adiga oo u sheegaya sida ay uga qaybta tahay riyadaada sidoo kale la wadaag waxa maskaxdaad ku jira.

6.U Fiirso Waxa Ay Kuu Maldahayso:

Inkasta oo ay Dumarku jecelyihiin in ay hadlaan, hadana haka filan in ay wax walba kuu sheegto xitaa hadii ay ku jeceshahay waxa ay dumar wax u sheegaan qaab maldahan.

Sidaas darteed isku day in aad dareen gaar ah u yeelato oo aad waliba fahamto waxa ay gabadhu kuu tilmaamayso ama kuu maldahayso una samee intaas kadib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*