U Gaar Ah Ragga: Ma Tahay Mid Xishood Badan Laakiin Jacayl Hayo 6-ta Talo Raac, Waa Helaysaa Gabadha Aad Dooratay.

Waxa aad ka heshay Gabadh laakiin waxa aad ka xishoonaysaa in aad xidhiidh la samayso iyada waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa dhawr talo oo ku caawinaysa.

In aad hesho qof khaas ah waa arin ku adag qof walba waana arin caan ku ah ragga xishoodka badan kuwaas oo aan garanayn si ay uga baxaan baqdinta waliba xidhiidh ula sameeyaan gabadha ay ka heleen.

Hadii aad tahay qof xishood badan waliba aad ka cabsnaayso in aad xidhiidh la samayso gabadha aad dooratay Halkan hoose kaga bogo talada yar ee muhiim-ka ah.

1.Marka Hore Aqoonso in ay Gabadhu tahay qof:

Miyaad xishootaa marka aad la hadlayso Hooyadaa ama Walaashaa? waxa ay u badantahay maya, sidaas darteed Gabadhu waa qof mana jirto sabab aad uga xishooto hadii aad jeceshahay.

2.Xidhiidh Saaxiibtinimo La Dhis Gabadha Aad Ka Heshay:

Wadadan ayaa ah mid kaa caawin karta in aad meesha ka saarto xishoodka, sidaas darteed ka hor inta aanad gabadha jacaylkaaga u sheegan la dhis xidhiidh saaxibtinimo adiga oo la qaadanaya hadalo iska caadi ah si aad ula qabsato la hadalkeeda.

3.Diirada Saar Naftaada:

Iska ilow In aad xidhiidh la samayso gabadha marka hore, waxa aad u baahantahay in aad diirada saarto naftaada, maxaa ku farxad galiya iskuna day in aad naftaada kasooni ku abuurto.

4.Si Fiican U Dhagayso:

Waa arin fudud in aad la hadasho gabadh, waxa aad u baahantahay ayaa in aad waydiiso su’aal kadib aad si fiican u dhagaysato jawaabteeda adiga oo xiisaynaya waxa ay kuu sheegayso waxana ay taas kaa caawinaysaa in aad si fiican u fahamto waliba aad la xidhiidho.

5.Maskaxdaada Ka Saar In Ay Ku Diidayso:

Hadii aanad garanayn in ay ku diidayo waxa fiican in aad maskaxdaada ka saarto su’aalaha ah” ka waran hadii ay i diido? iyo waxyaabaha la midka ah.

Waxana aad maskaxda ku haysaa hadii ay gabadhu ku diido in ayna dhibaatadu adiga ahayn laakiin ay tahay in qaabka aad wax ugu sheegtay khalad tahay ama ay iyada arimo shaqsi ah u tahay.

6.Haka Xishoon in aad tahay qof xishood badan:

In aad tahay qof xishood badan ma ahan wax xun oo ay tahay in aad naftaada ka fogayso laakiin waa in ay noqoto wax aad ku faanto maadama uu xishoodku yahay mid diinteenu leedahay iskuna day in aad arintaas kaga faa’iidaysato qaab fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*