U Gaar Ah Ragga: Maka Cabsi Qabtaa In Ay Gabadhu Ku Diido Laakiin Maka Heshay Gabadha, Qaabkan Raac Waad Helaysaa Qalbigeeda Shaki La’aan.

Qaar badan oo Ragga ah ayay ku adagtahay in ay la hadlaan dumarka sabab la xidhiidha in ay aaminsanyihiin in ay dumarku is adkeeyaan ama ay iska diidaan kuna daadiyaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xal aad xidhiidh ula samayn karto xitaa hadii ay gabadhu ku diido, Ninka Ragga ah ma ahan in uu ka cabsado diidista uga timaada Gabad.

Hadaba hadii aad ka mid tahay Kuwa ka cabsada in ay gabadhu diido waxa jirta wado aad xidhiidh ula samayn karto adiga oo ka fogaanaya cabsida iyo Naxdinta.

1.Kalsooni Buuxda Lahow:

Ragga ayaa ku fashilma marka ay timaado ku dhaqanka kalsoonida, Dumarka ayaa aad u jecel Ragga Kalsoonida leh waana arin keeni karta in ay Gabadhu si dhib yar kuu ogolaato.

Marka aad Gabadh la hadlayso indheheeda u saar indhahaaga iskana ilaali in aad xishood muujiso marka aad la joogto waxana ay arintaas kaa caawinaysaa in aad gabadha ula hadasho cabis la’aan.

2.Hadiyad U Iibi:

Dumarka ayaad aad u jecel Hadiyadaha hadii aad doonayso in aad hesho kaliya u iibi hadiyad yar oo fiican waxa ku adkaan doonta in ay ku diido waxana ay arintan muujinaysaa waliba iyada tusaysaa in aad danaynaysid Laakiin marka hore iska ilaali in aad u iibiso Hadiyado qaali ah laakiin waa in aad hal abuur yeelato oo aad u iibiso waxyaabaha ay ugu jeceshahay.

3.Waydii In Ay Balan Kuu Raaci Karto:

Dumarka ayaa ah kuwo iska qalbi caruur ah waxana laga yaabaa in ay ku diidi waydo marka aad u sheegto hadii ay ku raacdo in aad gayn doonto hudheelka ugu shidan magaalada aad joogto si aad wakhti u soo wada qaadataan labadiina oo kaliya.

4.Si Fiican U Labiso:

Marka laga hadlayo Labiska waa arin muhiim ah waliba waa mid aad Gabadha ku soo jiidan kartid sidaas darteed si maskax ku jirto u dooro dhar qurux badan oo aad isku muujiso.

5.Noqo Nin Qadarinaya Gabadha:

Sida caadada ah Ragga Somaliyeed ma sameeyaan Si walba oo ay Gabadha u jecelyihiin laakiin waa arin ay tahay in aad in badan samayso.

Isku day in aad gabadh Albaabka ka furto, Kursiga u soo durkiso si ay ugu fadhiisato waliba aanad fadhiisan ilaa inta ay ka fadhiisanayso iyadu.

1 Comment

  1. Qoom wada waalan ayd rabtaan inaad kadhigtaan wada romantic 😁
    Somali hadey fiyowdahay wey isku tashan laheyd.
    Gabadha markad shukan saneyso 1 wxy kaga bilabeysaa adigu Qolomaa tahay🤣
    Wilkuna Waxyaalo kale oo Afka soo mari Karin ayuu gabadha kula hasawayaa.
    Marka jaceylka inagu manaqaan.
    Jaceylka aan naqaano waa aan isku Daneesano🤣🤣🤣.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*