U Gaar Ah Ragga: Maxaa Keena Hoose U Dhaca Ninka Ee Rabitaanka Kulanka Sariirta

Waxa aan dhamaanteen aaminsanahay in rabitaanka Ninka ee kulanka sariirta in ay tahay mid aad u saraysa laakiin arintaas ayaa ah mid khalad ah maadama ay mararka qaar dhacdo in ay Raggu gabi ahaan lumiyaan rabitaanka kulanka sariirta maadama kulanka sariirtu la mid yahay dareenada kale ee aadamaha.

Hadaba maxaa sabab  ah luminta Ragga e Rabitaanka kulanka sariirta:

1.Dhibaatooyinka nafsaaniga ah:

Wal-walka, walaaca, daalka iyo waliba dhibaatooyinka maalinlaha ah ee Ninka ayaa keena dhibaatooyin badan kana mid tahay dhibaato nafsi ah taas oo keenta in ay hoos u dhigto rabitaanka Ninka ee kulanka sariirta,

2.Dhibaatooyinka caafimaadka:

Buurnida, dhiig karka iyo xanuunada kale ayaa keena in uu Rabitaanka Ninka ee kulanka sariirta hos u dhoco waxana aad u baahantahay in aad dhakhtar u tagto,

3.Sababaha hormoonnada:

Hoormoonka testosterone ayaa ah mid masuul ka ah rabitaanka Kulanka sariirta hadii uu hoos u dhoco, hoos u dhicista hoormoonkaas ayaa la macno ah in uu Ninku da’ ahaan weynaanayo sidaas darteed hoormoonkaas ayaa door ka qaato hoos u dhicida rabitaanka Ninka ee kulanka sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*