U Gaar Ah Ragga: Ninow Ka Fogo In Aad Xidhiidh La Samayso Noocan Dumarka Ah.

Xidhiidhka jacayl ee dhex mara laba qofayaa ah mid lama filaan ah waxana uu xidhiidhku ku bilaaban karaa qaab fudud waana arin iska caadi ah oo dhaca.

Marka aad xidhiidh la samayso Gabdha waxa aad ogaan kartaa waxyaabo badan oo kaa qarsoon ama aanad iyada mrkii hore aqoon uga lahayn.

Sidaas darteed inta uuna marka hore sii fogaan xidhiidhkiinu waxa fiican in aad si fiican u barato gabadha.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 nooc oo dumarka ah oo aanad xidhiidh la samayn ama aad ka hadho hadii aad horay ula socotay.

1.Gabadha Aan Khaladkeeda Qiran: Noocan dumarka ah ayay adagtahay in wax la badho, Gabadha aan khaladkeena qiran waxa ay xidhiidhka ku noqotaa dhibaato waxana ay mar walba samayn doontaa khalad iyada oo aan waliba qiranayn sidaas darteed hadii ay gabadhu sidaas tahay u jar xidhiidhka.

2.Gabadha Maskaxda Adag: Noocan dumarka ayay adagtahay in ay wax ka barato nolosha, mar walba wax ayay kaa qaarinaysaa, maadama ay ogtahay in ayna fahmayn, wax walba waxa ay samaynaysaa iyada oo aan kula socodsiin waxana ay sidoo kale kaa qaranaysaa siro badan taas oo khatar u ah xidhiidhkiina.

3.Gabadha Aan Go’aanka Lahayn: Noocan dumarka ah waxa ay halis ku tahay sii jirista xidhiidhkiina maadama ayna qaadan karin go’aan ay ku adkaysato waxa laga yaabaa in ay mar kaa tagto hadana kugu soo laabato maadama ayna lahayn go’aan qaadasho sidaas darteed isaga fogow iyadana.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*