U Gaar Ah Ragga: Qaabkee Ayaad U Dooran Kartaa Gabadha Aad Nolosha La Wadaagaysid.

Ragga ayaa intooda badan isaga mid ah sifooyinka ay ku doronayaan gabadha ay doonayaan in ay la wadaagaan nolsha laakiin arintaas ayaan la macno ahayn in ay wax walba isaga mid yihiin sababta oo ah Ragga oo dhan ayaan isku dookh, go’aan iyo waliba fikir ahayn.

Nin walba waxa uu leeyahay dookh gaar ah ama Fikiro gaar ah oo ay ku doonayeen gabadha ay doonayaan in ay nolosha la wadaagaan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Qaabka aad ku dooran karto gabadha aad doonaysid in aad nolosha la wadaagtid.

1.Jacaylka ayaa ah doorka 1-aad ee ay Ragga qaar ku doortaan gabadha ay nolsoha la wadaagaan, Jacaylka ayan ka mid ahayn dookhyada sababta oo ah marka uu Ninku si dhab ah u jecelyahay intaas ayaa ku filan.

2.Qurux ayaa muhiim u ah Ragga qaar marka ay dooranayaan Gabadha ay doonayaan in ay nolosha la wadaagaan laakiin quruxda ma ahan wax walba maadama uu qiimaynta Hal nin ee quruxda gabadha kaga duwan yahay ninka kale.

3.Waxa jirta sifooyin kale oo aan quruxda ahayn oo uu Ninku ku doorto gabadha nolosha la wadaagaysa sida Akhlaaqda Gabadha, daganaanta gabadha, xikmada Gabadha iyo daryeelkeeda.

4.Shaqsiyada gabadha ayaa sidoo kale ah arin saamaysa doorashadiisa gabadha uu nolosha la wadaagayo, gabadha ku kalsoon nafteeda waliba leh shaqsiyad fiican waxa ay Ninka ku keentaa in uu u doorto lamaanaha noloshiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*