U Gaar Ah Ragga: Sababaha Ay Raggu U Qariyaan Dareenkooda, 3-dan Arin Ayaa Sabab U Ah.

Waa Maxay Sababta ay Raggu U Qariyaan Dareenkooda Jacayl Bilowga Xidhiidhka? Waa su’aal ay is waydiiyaan dad badan iyaga oo aan helinjawaabta saxda ah.

Si kast ha ahaatee xaqiiqada ayaa ah in ay Inta badan Raguu qariyaan dareenkooda sabab la xidhiidha in ay dareemaan cabsi

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo ay Raggu u qariyaan dareenkooda waliba ugu sheegi waayaan xitaa gabadha ay jecelyihiin.

1.Raggu Waxa Ay U Baahanyihiin Wakhti Dheeri Ah Oo Ay Ula Xidhiidhiidhaan Dareenkooda:

Dumarka ayaa caadi ahaan si fudud kula xidhiidhka dareenkooda marka loo bar-bar dhigo Ragga laakiin Ragga ayaa si weyn uga duwan taas oo keenta in uu Ninku dareenkiisa ka qariyo gabadha si uu u helo wakhti uu ku gaadho go’aadhaan.

2.Ma Fahamsana Waxa Ay Dareemayaan:

Sababaha ugu weyn ee caanka ah ee ay Raggu u qariyaan dareenkooda ayaa ah in ayna hubin waxa ay dareemayaan marka loo eego in uu jacaylku xaalka ku adkeeyo Ragga badan sidaas darteed waxa uu Ninku dareemaa Wareer sidaas darteed waxa uu garan waayayaa waxa uu dareemayo in uu yahay jacayl ama kaliya xiiso uu u qabo gabadha sidaas darteed ayuu u qariyaa dareenkiisa.

3.Ma Doonayaan Inay Lumiyaan Awoodda Waliba Noqdaan Kuwo Diciif ah:

Sida dabiiciga ah Ragga ayaa Inta badan ah hogaamiyayaasha Bulshadeena sidaas darteed ma doonaan in ay dareemaan diciifnimo taas oo keenaysa in uu Ninku qariyo dareenkiisa maadama uu ka cabsi qabo in lumiyo awoodiisa una muuqdo mid diciif ah.

Sidaas darteed waxa uu go’aansadaa in uu qariyo dareenkiisa halkii uu sheegi lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*