U Gaar Ah Ragga: Saddex Su’aal Oo Ay Ku Waydiin Doonto Gabadha Ku Jecel Ka Hor Inta Ayna Ogolaan Xidhiidhkaaga, Iska Ilaali In Aad Been Sheegto.

Jacaylka ayaa ah waxa ugu adag laakiin ugu qurux badan ee la heli karo, sii haysashada jacaylku waa shaqo adag oo u baahan dadaal badan.

Dumarka ayaan inta badan isla markaba ogolaan marka uu Wiilku jacayl u soo bandhigo iyaga oo wakhti ku qaata ka jawaabista.

Hadaba hadii ay Gabadhu ku jeceshahay waxa ay ku waydiin doontaa 3-dan su’aal ka hor inta ayna ogolaan xidhiidhka aad u soo bandhigtay.

1.Waxa ay Ku Waydiinaysaa In Aad Xidhiidh Kale ku jirto:  Gabadhu marka ay si dhab ah kuu jeceshahay waxa ugu horeeya ee ay ku waydiin doonto ayaa ah in aad xidhiidh kale kula jirto gabadh iyo waliba sababta uu u fashilmay xidhiidhkii hore, hadii ay dareento in aad been sheegaysid waxa ay kuu diidaysaa si toos ah.

2.Su’aal ku saabsan noloshaada gaarka ah: Gabadhan aan ku doonayn ama aan xiiso u qabin xidhiidhkaaga kuma waydiinayso arimo ku saabsan noloshaada laakiin hadii ay gabadhu ku jeceshahay waxa ay arimo kaa waydiinaysaa noloshaada gaar ah sidaas darteed iska ilaali in aad been sheegto kana hadal waxa runta ah.

3.Su’aahsa ugu dambaysa ayaa ah mid ku saabsan xidhiidhadii hore ee aad samaysay: Gabadha ku jecel ayaa ku waydiin doonta xidhiidhadii hore ee aad soo samaysay sbabata uu xidhiidhkaas u bur-buray iyada oo doonaysa in ay ogaato sababta dhabta ah ee keentay in aad ka baxdo xidhiidhkii hore sidaas darteed hadii ay dareento in aad been sheegto waxa dhici karta in ay ku diido.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*