U Gaar Ah Ragga: Saddex Tijaabo Oo Ay Dumarku Mariyaan Ninka Si Ay U Ogaadaan In Uu Yahay Midka Ku Haboon, Maka Soo Bixi Kartaa Ninow.

Dumarka Badankooda ayaa Tijaabo adag oo kala duwan mariya Ragga ka hor inta ayna xidhiidh la samayn si ay u ogaato in uu yahay Ninkii u qalmay ee ay Nolosha la wadaagi lahayd.

Waxa jirta Fursad aad u sarayso oo ay Ninow gabadhu ku marin karto tijaabo si ay u ogaato ilaa halka aad u tagi kartid iyada darteed.

Hadaba waa kuwan 3-da arin ee ay sameeyaan dumarku si ay u ogaadaan in uu Ninku yahay mid iyada u qalma.

1.Way is adkaysaa:

Hadii ay gabadhu xitaa ku jeceshahay way isku kaa adkayn doontaa si ay u ogaato samirkaaga iyo waliba ilaa inta aad diyaarka u tahay in aad sugto helitaankiisa ka hor inta ayna ku aqbalin.

2.Waxa Ay Ku Waydiinaysaa Wakhtigaagii hore:

Gabadha ayaa xitaa hadii ay ku jeceshahay soo qodi doonta wakhtigaagii hore iyada oo wax kaa waydiin doonta xidhiidhadii hore ee aad soo samaysay iyada oo doonaysa in ay ogaato in aad soo lahayd xidhiidho fiican.

3.Waxa ay kaa waraysan doontaa Gabdhihii hore Ee Aad Soo Shukaamisay:

Waa wado kale oo ay dumarku ku tijaabiyaan Ragga kuna helaan dareenkooda iyaga oo wax kaa waydiin doona gabdhihii hore ee aad xidhiidhka la soo samaysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*