U Gaar Ah Ragga: Tallo Kaa Caawinaysa In Ay Gabdho Badan Isku Kaa Dagaalaan, Maxaa Laagaga Baahanyahay.

Ragga qaar ayaa ku dhibaatooda in ay xidhiidh la sameeyaan Duamr sabab la xidhiidha in ayna dumarku wax xiiso ah u qabin ama ayna wax dareen ah siin marka ay ka garab dhawyihiin.

Arintaas ayaa keenta in ay Ragg badan is waydiiyaan in sababta ayna dumarku wax dareen ah u siinayn in ay tahay sabab la xidhiidha wajigooda ama ay wax ka khaldan yihiin laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah qaabka aad adigu isku soo bandhigto ama aad isku qeexdo.

Hadaba Waxa aan halkan Hoose ku soo bandhigi doonaa talooyin kaa caawin kara in ay Dumarku isku kaa dagaalaan adigana kuu tartamaan.

1.Mar walba waa in aad barato sida loo labisto ee ugu quruxda badan iskana ilaali in aad u labisato si aan qurux badnayn ama in aad ku labisato dhar aan kugu soo badyn, dumarku ma jecla in ay xitaa ka garab dhawaadaan Ragga aan lahayn xeer labis sababta oo ah waxa ay aaminsanyihiin in uu ceeb u horseedayo.

2.Dumarku waxa ay jecelyihiin Ninka Hadalka iyo Kaftanka badan sababta oo ah waxa ay jecelyihiin in la madadaaliyo waliba laga qosliyo laakiin way necebyihiin Ninka aamunsan sababta oo ah way ku caajisaan.

3.Dumarka ayaa jecel Ninka xishoodka leh waxana ay arintaas ka dhigtaa in ay ka hesho waxana salaanta aad salaanto keenaysaa in ay si waali ah kuu jeclaato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*