U Gaar Ah Ragga: Calaamadaha Kuu Muujinaysa In Ay Gabadhu Lumisay Jacaylkii Ay Kuu Qabtay Oo Ayna Ku Jeclayn Haatan.

Nolosha waxa ka buuxa waxyaabo lama filaan ah, waxa aad sida caadiga ah u filayso ayaa ka duwan waxa aad helayso.

Waxa laga yaabaa in ay Gabadh ku jeceshahay laakiin waxa ay si lama filaan ah u waayaysaa dareenka ay kuu qabto.

Arintan ayaa ka dhacda Xidhiidhada inta badan iyada oo laga yaabo in aanad waxba samayn laakiin ay bilaabayso in uu jacaylka ay kuu qabto soo yaraado.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa calaamadaha aad ku ogaan karto in ay Gabadhu lumisay jacaylkii ay kuu qabtay oo ayna haatan wax jacayl ah kuu hayn.

1.Hadii aad Balantaan laakiin ay kuu Iman waydo:

Marka aad Gabadha waydiiso in aad kulantaan si aad wakhti u wada qaadataan laakiin ay kuu iman waydo waxa ay calaamad u tahay in ay Gabadhu ku jeclayn oo ay lumisay dareenkii jacaylka ee ay kuu qabtay.

2.Hadii aad Adigu Tahay Qofka Sida Joogtada ah Ula hadla oo ayna marna kula soo hadlin:

Waa xaalada ugu xun ee xidhiidhka, marka aad ogaato in aad adigu si joogto ah ula hadalayso gabadh uguna sheekaynayso oo ayna dhankeeda kula wadaagayn waxa ay la macno tahay in ay Gabadhu lumisay dareenkii jacayl ee ay kuu qabtay.

3.Marka Ay Diido In Aad Is Garab Socotaan Marka Aad Wada Baxdaan:

Gabadhu marka ay si dhab ah kuu jeceshahay waxa ay mar walba doonaysaa in aad gacanta is qabsataan waliba aad is garab socotaan marka aad meel isku raacdaan laakiin hadii ay bilowdo in ay arintaas diido waxa ay la macno tahay in ayna ku jeclayn.

4.Marka Ay Mar walba Sheegto In Ay Mashquulsantahay:

Waa arinta iska dabeecada u ah dumarka, mar ay jiraan wax ayna doonayn waxa ay sheegtaan in ay mashquulsantahay inkasta oo ayna wax hawl ah hayn, sidaas darteed waxa ay doonaysaa in ayna kula hadlin ama kula kulmin waxana ay samaynaysaa mashquul aan jirin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*