U Gaar Ah Ragga: Fariimo Aad Ku Waraabin Karto Jacaylkaaga, U Dir Gacalisadaada

Jimce wanaagsan Akhristayaasheena sharafta leh, Alsomali.net waxa ay jimce walba idiin soo gudbisaa fariimo jacayl oo aad u diri kartid qofka aad jeceshahay.

Geedku marka uu baxayo waxa uu u baahanyahay in subax walba lagu shubo biyo ka caawiya in uu koro waliba xoogaysto.

Jacaylka ayaa sidoo kale ah geed baxaya oo kale waxana uu u baahanyahay in subax walba la waraabiyo si uu u koro una xoogaysto.

Sidaas darteed fariimaha jacaylka ayaa ah biyaha jacaylka waxana muhiim ah in aad u dirtid gabadha aad jeceshahay fariimo jacayl oo aad ku qoyso qalbigeeda.

Hadaba halkan Hoose Kaga Bogo Fariimo jacayl oo cajiib ah oo aad u diri kartid gabadha aad jeceshahay:

1.Waxa aad tahay Riyadada, waan kuu baahanahay haatan, maalintayda ma bilaaban karo aniga oo aan adiga kaa fikirin, waan ku jecelahay.

2.Waxa aad tahay qof aad iigu dhaw hadana waad iga fogtahay, waxa aad ku dhawdahay qalbigayga, waxa aan mar walba dareemaa in aad ii dhawdahay.

3.Inkasta oo ay cad-ceedu raagto oo ayna xiddiguhu soo bixin wali, jacaylka aan kuu qabo mar walba uu sii badanayaa, waan ku jecelahay gacaliso.

4.Adduunku waa mid dhamaystiran sababta oo ah adiga ayaa ka mid ah, adiga la’aantaa adduunku wax macno ah iima lahan, waan ku jecelahay.

5.Gacaliso, mar walba oo aan indhahaaga eego waxa aan arkaa naftaada, jacaylkaagu waa mid weyn, jacaylka aan kuu qabo waa mid jiri doona Abid.

6.Waxa tahay Boqorada qalbigayga, saamaynta jacaylkaaga la’aantii qalbigaygu wuu istaagayaa, jacaylka aan kuu qabo waa mid shardi la’aan ah.

7.Waxa aad tahay boqorada qalbigayga, waxa aan adiga dartaa u fuuli karaa buuro waaweyn, la kulankaagu waa waxa ugu fiican ee naftayda ku dhacay.

8.Waxa aad tahay Noloshayda, noloshayda waxa aad ka dhigtaa mid fiican daqiqiad walba waan ku jecelahay.

9.Waxa aad tahay riyadada oo run noqotay, waxa aan kuu jeclaan doonaa sida ugu fiican maalin walba noloshayda.

10.Sawirkaagu mar walba waxa uu ku jiraa maskaxdayda, qalbigayga waxa aan mar walba ka maqli karaa isaga oo ku dhawaaqaya magacaaga, waxa aan mar walba arkaa wajigaaga marka aan indhaha isku qabto, waan ku jecelahay.

11.Waxa aad iga caawisay in aan fahmo macnaha Nolosha, ka hor intii aan adiga kula kulmin waxba kama ogayn macnaha jacaylka.

12.Marka aan kufo waxa aad kor u qaadaa xamaasadayda, marka aad faraxsantahay waxa aan ila wadaagtaa farxada, wakhtiga xun iyo wakhtiga fiican waad ila joogtaa, waxa aad i bartay sida wax loo jecelaado.

13.Qalbigaya waxa la dagay jacaylkaaga mar walba oo aan seexdo waxa aan ka fikiro waa diga.

14.Waxa ugu fiican ee noloshayda waa jacaylka aan adiga kuu qaaday, waxa aan helay gabadhii aan ku riyoonayay, waxa ad tahay jacaylka noloshayda.

15.Waxa kaliya ee aan nolosha uga baahanahay ayaa ah in aan ku arko adiga oo dhoola cadaynaya, waan ku jecelahay.

16.Markii aan kula kulmay waxa aad noloshayda ka badashay wax walba, haatana adiga ayaan kugu xidhmay, waan ku faraxsanahay in aad anigu leeyahay qalbigaaga.

17.Galiso, noloshayga ma jirto mar ay ka fiicantahay marka aan adiga kula joogo.

18.Waxa aan fuuli doonaa milyan buuro ah sidoo kale waxa aan ka dabaalan doonaa bad weynta si aan adiga kuula joogo.

19.Marna ma sawiran in ay noloshu sidan u fiicnaan doonto adiga ayaana sabab u ah, waan ku jecelahay.

20.Gacaliso waxa aad tahay qaybta ka midka ah noloshayda ee aan raadinayay sanadihii ugu dambeeyay.

21.Ma sawiran kartid waxa aan haatan qabanayo, waxa aan ka fikiryaa waa adiga, waanan ku jecelahay.

22.Waxa aad tahay noloshayda, waxa aad tahay wax walba oo aan u baahanahay, waan ku jecelahay.

23.Maanta waxa aan arkay aniga oo bilaa sabab u dhoola-cadaynaya kadib waxa aan ogaaday in aan adiga kaa fikirayo.

24.Waxa ay sheegaan in uuna jirin jacayl dhab ah, laakiin waxa aan cadayn karaa in ay khaldan yihiin sababta oo ah adiga ayaan kaa helay jacayl dhab ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*