U Gaar Ah Ragga: Hadii Ay Gabadha Ku Aragto 5-tan Arin, Ninow Ha Sii Dayn Gabadhaas Sababta Oo Ah Waa Dheeman Aad Noloshaada Ka Heshay.

In uu helo Gabadh fiican oo uu xidhiidh fiican la dhiso waa riyada iyo rabitaanka Nin walba, waxa jira Niman badan oo isaga hadha Gabadha uu jecelyahay marka uuna ka helin waxyaabaha uu rajaynayo ama ka doonayo.

Marka arimahaas laga yimaado waxa jira calaamado marka ay Gabadha aad jeceshahay muujiso ay tahay in aanad sii dayn oo aad si fiican u adkayso xidhiidhkeeda.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 Calaamad hadii aad ku aragto Gabadha in ay tahay gabadh kuu fiican oo ay tahay in aad ku fara adaygto.

1.Gabadha Diyaarka U Ah In Ay Nafteed U Hurto Adiga Dartaa:

Calaamadan waxa ka mid ah in ay Gabadhu adiga dartaa u dhaafto waxyaabo ay u baahantahay si ay kuu caawiso, hadii aad haysato gabadh sidaas samaysay waxa aad leedahay nasiib fiican waana gabadh ay tahay in aanad ka fogaan marna.

2.Gabadha aan doonin in ay waxyaabo Xun Kugu Samayso:

Mar walba oo aad haysato Gabadh agtaada ka abuurta jawi fiican oo aan marna hadal xun ama wax ku dhaawacyaa kugu samayn waa gabadha ay tahay in aad nolosha la wadaagto ee la soco.

3.Gabadha Ku Taageerta Kuna Dhiiri Galisa:

Gabadh mar walba ka shaqaysa in aad gaadho riyadaada waliba mar walba taageere iyo dhiiri galin kula taagan waa gabadh doonaysa in aad guul ka gaadho nolosha waana mida ay tahay in aad si fiican ugu fara adaygto kuna sii hayso noloshaada.

4.Gabadha Ku Garab Istaagta Wakhtiga Adag:

Waxa aynu nahay Bani aadam ku Nool adduun waxana jiri doonta wakhti adag oo ku soo marta iyo wakhti fiican, hadii ay Gabadhu ku garab istaagto wakhtiga adag waliba kula qaadato wax walba oo dhib ah oo kula soo darista waa gabadh dheeman ah oo aan la heli karin la soco hana sii dayn.

5.Gabadha Ku Cafisa Marar Badan:

Calaamadan waa Gabadha mar walba ku cafisa marka aad khalad ka gasho iyo waliba si walba oo aad u dhaawacdo sababta oo ah si dhab ah ayay kuu jeceshahay waana gabadh ku haboon in aad nolosha la wadaagto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*