U Gaar Ah Ragga: Hadii Ay Gabadhu Samayso 3-dan Arin Ka Fogow In Aad Guursato, Kuuma Fiicna.

Marka aad Ka fikirayso Mustaqbalka iyo Gabadh aad guursato lana wadaagto Nolosha waxa muhiim ah in aad ka fiirsato waxyaabo badan oo muhiim ah.

Guurka ayaa ah mid muhiim u ah nolosha Nin walbana waa in uu ka fiirsado gabadha uu u dooranayo in uu la wadaago inta ka dhiman noloshiisa.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa 3 nooc oo dumarka ah oo aanad guursan hadii aad doonayso Mustaqbal fiican.

1.Gabadh Socod Badan:

Wakhti xaadirkan waxa jira dumar badan oo socod badan waliba mar walba ka maqan guriga gaar ahaan dumarka somalida kuwaas oo ku maqan wax aan faa’iido ahayn sida xan ay dumar kale wax la xamanayaan iyo wax la mid ah sidaas darteed iska ilaali gabadha socodka badan maadama ay dayici doonto gurigaaga hadii aad guursato.

2.Gabadha Aan Ka Fikirin Mustaqbalka:

Waa Nooc dumarka ka mid ah oo aan gabi ahaan ka fikirin mustaqbalka waana gabadh aanad nolosha la wadaagi karin maadama ayna kaba fikirayn mustaqbalka waliba tahay Gabadh lahayn fikir.

3.Gabadh Aan Ixtiraam Lahayn:

Waa Nooc ka mid ah dumarka oo aan wax Ixtiraam ah u hayn dadka kale waana gabadh iska Aflagaadaysa dadka kale mana ahan ahan in aad guursato.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*