U Gaar Ah Ragga: Maxaa Lagaaga Baahanyahay Hadii Ay Ku Diido Gabadha Aad Jeclaatay, Wadooyinkan Ayaad Kaga Gudbi Kartaa.

Ma dhacday in ay Ku diiday Gabadh aad jeclaatay oo aad ka heshay? Ma niyad jabsantahay sabab la xidhiidha in aad u malaysay in ay Gabadha ku diiday tahay gabadhii nolosha kula wadaagi lahayd?.

Adduunkan aan ku noolnahay waxa aan filan karnaa wax walba waxana dhici karta mar ayna waxa aad doonaysid u dhicin sida aad adigu rabtay.

Waxa jirta marar aad aqbashid marka ay gabadhu ku diido waliba aad la dhaqanto xaqiiqada hadaba sidee ayaad horay ugu socon kartaa marka ay gabadha aad ka heshay ku diido.

Halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa wadooyin aad kaga gudbi kartid diidista ay ku diido gaabdha aad ka heshay ama jeclaatay.

1.Ku Aqbal Qalbi Furan:

Jooji madax adayga, si walba oo aad u jeceshahay marka ay gabadhu ku diido waliba si dhab ah kuugu sheegto in ayna wax dareen ah kuu hayn isku day in aad qalbi furan ku aqbasho xaqiiqada horayna u socoto.

2.Ha isku qasbin gabadhu marka ay ku diido:

Ka Fogow in aad gabadha isku qasabto marka ay ku diido, jooji in aad daba socoto marka ay ku diido ama aad fariimo ku wareeriso waxa ay arintaas keeni kartaa in ay ku sii nacdo.

3.Ka Fikir in aad Heli Karto Gabadh Kale:

Wadada ugu fiican ee aad ku aqbali karto xaqiiqada ayaa ah in aad maskaxdaad u jeediso meel kale halkii aad u jeedi lahayd dhanka gabadha ku diiday.

La soco hadii ay Gabadh ku diido in aanu Illahay isku kiin qorin oo aad heli karto gabadh kuu fiican oo waliba khaas kuu ah.

4.Hadii ay Suurtagaltahay xidhiidh walaaltinimo La Wad Gabadha Ku Diiday:

Hadii ay dhacdo in ayna Gabadhu kuu sheegin in aanad u soo dhawaan oo ayna ku arki karin isku day in aad xidhiidh walaaltinimo la samayso si aad uga gudubto darenkii jacayl ee aad u qabtay adiga oo la dhisaya kalsooni walaalnimo laakiin la soco in aanad ku dheeraan xidhiidhka maadama aad horay dareen jacayl ugu qabtay.

5.Isku Day in aad dad kale la Kulanto:

Jooji in aad haysato qalbi jabka aad kala kulantay Gabadha ku diiday isku day in aad qalbigaaga u furto Gabdho kale adiga oo waliba si joogto ah ula xidhiidhaya waxana laga yaabaa in aad hesho Gabadhii aad nolosha la wadaagi lahayd.

6.Ogow in diidistu Ka mid tahay Nolosha:

Mid ka mid ah wadooyinka ugu fiican ee aad ku iloobi karto Gabadha ku diiday ayaa ah in aad aqbashid in diidamada aad kala kulantay gabadha aad ka heshay in ay nolosha ka mid tahay waliba ay dhici karto.

7.Wakhti Badan La Qaado Asxaabtaada:

Halkii aad ka fikir lahayd qalbi jabka aad la kulantay isku day in aad Naftaada dib ugu keento waliba aad wakhti la qaadato Asxaabtaada si aad u ilowdo xaalka aad ku jirto.

8.Samee Wax Aad Jeceshahay:

Waa wado kale oo aad ku iloobi kartid Gabadha ku diiday, isku day in aad samaysid waxyaabaha aad jeceshahay wakhtigaagana ku qaado si aad u ilowdo diidistii ay Ku diiday gabadha aad jeclayd.

9.Diidmada Ay Gabadhu Ku Diiday U Istcimaal In Aad Naftaada Ku Hor Mariso:

Halkii aad ka fikir lahayd ama aad is waydiin lahayd sababtii ay Gabadhu kuu diiday isku day in aad dhiiri galin ka qaadato diidista ay Gabadhu ku diiday waliba naftaada ku hor mari una adeegso dhhiiri galin aad naftaada ku hor mariso si ayna mar kale u dhicin arintaas.

10.La Soco In Diidista Lagu Diiday In Ayna Ahayn Dhamaadka Adduunka:

Noloshu way sii soconaysaa sidaas darteed sii wado raadinta ujeedkaaga nolosha iyo riyadaada, jooji in aad oohin meel la fadhiisato maadama ayna ahayn dhamaadka adduunka hadii ay ku diiday gabadha aad jeceshahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*