U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Ma jiraa Wiil aad si dhab ah u jeceshahay? waxa aan halkan kuugu soo bandhigaynaa Kalmado cajiib ah oo Aan Ugu Sheegi kartid wiilka aad jeceshahay sida aad u Agtaada qaaliga uga yahay.

Haka qarin sida aad dareemaysid adiga oo u diraya Fariimahan hoos ku xusan.

  • Waxa Laga Yaabaa in aanad ahayn jacaylkaygii ugu horeeyay laakiin waxa aad Tahay jacaylka waxba kama jiraan ka dhigay jacayladii hore ee aan soo maray.
  • Hadii aad wax ka ogahay jacaylka adiga ayaa sabab u ah, waan ku jecelahay Gacaliye.
  • Waxaad tahay isha farxadayda, xarunta adduunkayga iyo qalbigayga oo dhan, waan ku jecelahay.
  • Meel kasta oo aan eego waxaan xasuustaa jacaylkaaga. Waxaad tahay adduunkayga.
  • Jacaylkaagu waxa uu Qalbigayga U Ifiyaa Sida Ay Qoraxdu U Ifiso Adduunka, waan ku jecelahay.
  • Malaa’igtayda, noloshayda, adduunyadayda oo dhan, waxaad tahay kan aan doonayo, kan aan u baahanahay, aan kula joogo marwalba, jacaylkayga, wax walba.
  • Waxa laga yaabaa in aanan ahayn jacaylkaagii ugu horeeyay, Gabadhii ugu horeeyay ee aad dhunkatay laakiin waxa aan doonayaa in aan noqdo wax walba oo kuugu dambeeya.
  • Maalin kasta waan ku sii jeclaanayaa, maanta waxa aan ku jecelahay in ka badan shalay laakiin in ka yar maalinta Barri ah.
  • Inaan ku jeclaado adiga ayaa ka dhigeysa subax kasta mid mudan in loo kaco.
  • Codkaagu waa codka aan ugu jeclahay, waan ku jecelahay.
  • Gacaliye waxa aad tahay Qaybta Iga Midka ah ee aan mar walba u baahanahay.
  • Ka hor intii aanad Noloshayda ku soo biirin waxba ka garanayn macanaha jacaylka iyo sida la dareemo.
  • Waan jeclahay markaad ii soo dirto qoraalada iga qosliyada xitaa hadaan mar walba Akhriyo.
  • Qalbigayga Adiga ayaa iska leh Iskana lahaan doona Inta aan Noolahay.
  • Gacaliye waxa aan doonayaa in aan ku seexdo laabtaada isla markaasna dhagaysto garaaca wadnaha.
  • Markaan kuu sheego waan ku jeclahay, kuuma odhanayo in aan caado ka dhigtay laakiin waxaan ku xusuusinayaa inaad tahay noloshayda.
  • Iftiinka maalintaydu kuma xirna xaddiga qorraxda. Wax walba waxay kuxiranyihiin dhoola cadeyntaada.
  • Dadka qaar waxay baaraan noloshooda oo dhan si ay u helaan waxa aan kaa helay.
  • Waxaan Doonayaa in aan ku noolaado, seexdo, oo aan ka soo kaco dhinacaaga.
  • Ma joojin karo fikirkaaga, maanta… berri… had iyo jeer.
  • Waad ku mahadsantahay Gacaliye inaad markasta i dareensiiso in aan ahay adduunka ugu quruxda badan.
  • Wax kasta oo aan u baahnaa si aan farxad u dareemo waxay ahaayeen jacayl. Waan kula kulmay, hadana waxba uma baahni.
  • Waxa aan jecelahay soo bixista Cad-Ceeda Sababta oo Subax walba waxa aan xasuustaa in aan haysto maali kale oo aan wakhti la qaato Ninka Riyadada.
  • Galiye, Mararka Qaar Indhahaygu waxa ay ka masayraan qalbigayga sababa oo ah mar walba waxa aad u dhawdahay qalbiga inkasta oo aad ka fogtahay Indhaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*