U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Ma raadinaysaa Su’aal Aad waydiiso Gacaliyahaaga? in la ogaado waxa ku jira qalbiga Gabadha ayaa ah mid adag waxana aan odhan karnaa waxa ay la mid tahay adiga oo qabtay shaqo adag.

Dumarka ayaa raadiya wado kale oo ay ku fahmaan waxa ka guuxaya qalbiga gacaliyeheeda waliba ugu dhawaato Gacaliyeheeda hdaba wadadaas ayaa ah in aad wada-sheekaysi la bilowdo adiga oo waydiinaya su’aalaha saxda ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa su’aalo ay tahay in aad iibiso Ninka taas oo keenaysa in uu qalbigiisa kuu furo waliba kuu soo dhawaado.

1.Waa Maxay U Jeedkaaga Shaqsiga Ah Ee Doonaysid In Aad Gaadhid?

Su’aashan ayaa ah mida ugu fiican ee aad waydiin kartid gacaliyahaaga, laakiin waa in aad aqbasho in aanad ku jiri karin qorshihiisa mustaqbalka mar walba sababta oo ah waxa dhici karta in uu qaar bilaabay ka hor intii aana la kulminba.

2.Maxaad Doonaysaa In Aad Ka Gaadho Xidhiidhka Jacayl?

Ma raadinaysaa wax aad waydiiso Gacaliyahaaga? waydii su’aashan sababta oo ah qof walba isku fikir kama ahan xidhiidhka jacayl sidaas darteed waxa aad su’aashan ku ogaan kartaa waxa uu ka doonaya xidhiidhka jacal ee aad dhisaysaan.

3.Goorma Ayaad I Soo Doonaysaa?

Sida caadada ah dhaqankeena Somalida Ninka ayaa Gabadha doona marka laga hadlayo guur sidaas darteed waydiinta Wiilka aad wada socotaan wakhtiga uu damacsanyahay in uu ku soo doono ayaa keenaysa in uu dareemo in aad si dhab ah u jeceshahay waliba aad doonaysid in aad Noloasha la wadaagto waxana ay su’aashan keenaysaa in aad u dhawaato qalbigiisa.

4.Maxaad U Bixin Lahayd Ilmahaaga Ugu Horeeya (Magac)?

Waa Su’aal qoto dheer waliba keenaysa in uu Ninku kuu jeclaado si ka badan sidii hore maadama aad waydiisay su’aal la macno ah in aad diyaar u tahay in aad xaaskiisa noqoto waliba aad noqoto ilmihiisa hooyadiis waana su’aal jacayl oo cajiib ah waxana ay taasi keenaysaa in aad qalbigiisa ku dhawaato.

5.Waxa Aad Ii Sheegtaa Wax Ayna Dadka Kale Kaa Ogayn?

Qof walba oo Noole ah waxa uu leeyahay wax kali ku ah oo uuna u sheegin dadka kale ama ay ogyihiin kaliya dad aad u yar oo noloshiisa qaali ku ah sida waalidkiisa ama dadka la dhashay sida walaaladiis.

Sidaas darteed marka aad waydiiso su’aashan waxa ay dareensiinaysaa in aad doonaysid in aad wax ka barato noloshiisa waxana ay keenaysaa in uu kuu sheego maadama aad ka qayb noqon kartid dadka ku qaaliga ah Naftiisa.

6.Maxaad Iga Filaysaa Ania?

Su’aashan ayaa ka mid ah su’aalaha ugu fiican ee aad Ninka waydiin karto waana su’aal muhiim ah maadama aad hor dhigtay waxa uu adiga kaa doonaya hadii aad xaaskiisa noqoto waxana ay su’aashan keenaysaa in uu qalbigiisa kuu furo.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*