U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Mararka qaar waxa ay Raggu Dumarka waydiiyaan su’aalo aanay garanayn cawaaqibkooda hadii ay Tahay xaaskiisa iyo Gabadha uu nolosha la wadaago ama Hadii ay Tahay Gabadha uu xidhiidh jacayl ka dhexeeyo Sababta oo ah dumarka qaar ayaa Neceb qaar ka mid ah su’aalaha la waydiiyo waliba aan jeclayn su’aalahaas.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigaynaa su’aalo bur-buraya xidhiidhka marka aad waydiiso gabadh sidaas darteed Ninow ka feejignow su’aalahaas.

1.Iiga Waran Jacaylkaagii hore:

Su’aashan ayaa ah mid ay Necebyihiin dumarku marka aad waydiiso waxa ay keeni kartaa in uu xidhiidhkiinu xumaado sababta oo ah waxa ay soo xasuusinaysaa wiilkii hore ee ay xidhiidhka lahaayeen taas oo keeni karta in ay is bar-bar dhig idinku samayso sidaas darteed ka fogow su’aashaas.

2.Imisa Jir Ayaad Tahay:

Gabadha waad ka xanaajinaysa Marka aad waydiinayso da’deeda sababta oo ah arintaas way ceebaynsyaa hadii ay Gabdhu da’ weyntahay sidaas darteed iska ilaali in aad Gabadha da’deeda waydiiso maadama ay keeni karto in ay Gabadhu kaa tagto.

3.Miisaankaagu Waa Imisa:

Ninow ka taxaddar in aad Gabadha waydiiso miisaankeeda sababta oo ah Gabadhu kuma fahmayso xitaa hadii aad u waydiiso su’aasha si daacad ah oo ayna xumaan ku jirin waxana ay u qaadanaysaa in aad ku leedahay waad buurantahay ama waad dhuubantahay.

4.Ma I Jeceshahay:

Su’aashan waxa looga jawaabi karaa haa ama Maya laakiin waxa ay dhaawacaysaa dareenka Gabadha maadama ayna ka jawaabi karin xitaa hadii ay ku jeceshahay hadii aad doonayso in aad gabadha ogaado in ay ku jeceshahay iyo in kale waxa aad u waydiin kartaa si maldahan.

5.Maxaad U Guursan wayday:

Ma waxaad uga jeedaa way foolxuntahay ama Waa qof xun oo kuma soo baxayso guurka?

Ma jirto mar-marsiyo aad su’aashan ku waydiiso gabadha sidaas darteed iska ilaali in aad Gabadha su’aashan wadiiso sababta oo ah waxa ay ku keenaysaa in ay xanaaqdo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*