U Gaar Ah Ragga:Imisa Jeer Ayaad Gabadha U Sheegi Kartaa In Aad Jeceshahay?

Intee ayay Tahay In Aad Gacalisadaada U Sheegto In Aad Jeceshahay?.

Hagaag, Inkasta oo ayna jirin tiro xadidan oo ay tahay in aad Gacalisadaada u sheegto in aad jeceshahay maalin kasta, todobaad kasta ama sanad kasta, waxa jirta wakhti saamayn leh oo ay tahay in aad u sheegto in aad jeceshahay Gabadha taas oo ah marka aad si dhab ah u dareento in aad xidhiidh fir-fircoon la leedahay gabadha.

Tusaale ahaan: Hadii aad Jeceshahay Gabadha waliba aad si joogto ah ugu sheegtid in aad jeceshahay waliba jacaylkaas dhab yar laakiin ayna Gabadhu ku jeclayn sidaas darteed u sheegista Gabadha jacaylkaaga ayaa dhibaato ku noqon kara xidhiidhka.

Waxa ay bilaabi doontaa in ay xaqiiqasato in aad jeceshahay in ka badan inta ay iyadu ku jeceshahay taas oo keeni karta in ay gabadhu go’aansato in ay gabi ahaan xidhiidhka jarto waliba raadsato Wiil ay iyadu jeceshahay.

Hadaba Xalka ugu fiican ee ay tahay in aad Gabadha u sheegto in aad jeceshahay ayaa ah marka ay Gabadhu kula wadaagto jacaylka waliba aad dareemayso in ay doonayso in ay kuu sheegto in ay ku jeceshahay.

Marka ay ku dareensiinayso in ay ku jeceshahay waliba ay ku faraxsantahay xidhiidhka ay kula wadaagayso.

Marka ay doonayso in ay la socoto Ninka ay jeceshahay waliba doonayso in ay qof fiican u noqoto Ninka markaa waxa ay tahay in aad Gabadha u sheegto in aad jeceshahay.

Laakiin iska ilaali in aad mar walba u sheegto in aad jeceshahay sababta oo waxa ay dilaysaa xiisaha mana jiro qof dhagaysan kara mar walba kalmado lagu soo cel-celiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*